DAAWO VIDEO: Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante oo taageeray Maamulka Cadaado ay DFS ku dhoodhoobtayna ”sidii naloo dhibateeyey ayaa iyana loo dhibaataynaya”

24e

18 july 2015 (Puntlandes) Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante ayaa Waxaa uu taageeray maamul ku sheega ay DFS ku dhoodhoobtay Degmada cadaado ee ay Garwadeenka ka yihin Xasan sheekh, Indocadde, CabdiQaybdiid, C/kariim, Oday Xaad iyo kuwo kaloo badan.

Maamulkan ayey DFS ugu qortay wax ay Dastuur ugu yeertay inay Xudduudiisu tahay Gobolka Nugaal taasoo ay si cad u sheegteen inay Gobolka Mudug ee Puntland ay BOOBAYAAN, waxa uu taageeray Garaadkuna Guud Ee Beesha Dhulbahante waa inay CabdiQaybdiid iyo tolkii BOOBAAN Goolka Mudug oo oo ay leeyiin dad ay Isir wadaag yihiin Garaadkuna Guud Ee Beesha Dhulbahante kuwaasoo ka tirsan Puntland.

Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa waxa uu tageeradiisa uu raacshay in cidii iyaga (Khaatumo) dhibaataynaysay ay iminka dhibaato ku hayaan Maamulka Cadaado wuxuuna yiri ”sidii naloo dhibaateeyey ayaa iyana loo dhibaataynayaa” wuxuuna ula jeedaa dawladda Puntland iyo shacabkeeda!!!

Garaadka iyo Cali Khaliif Galayr midkoodna afkay iska xumeeyeey waxayna tuseen Shacabka reer Puntland  waxa ay ee mana bixin karaan Gobolka Mudug waxna uma dhimi karaan. Horay ayaaa waxa loogu xusuustaa Garaadka Garaadkuna Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali hadal uu yiri oo ah Puntland waxaan anigu u aqaanaa ”Bintland” oo uu ula jeedo Dhulkii NAAGAHA!!!

Garaadka Guud Ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah madax dhaqameen hadana caadaystay u gefida dad ay ehel yihiin, aana xeerinayn maamuuskii uu madax dhaqameed lahaa ayeysan jirin ilaa iyo iminka cid ay ehel yihiin oo wax ka tiri hadalada Gefka Xambaarsan ee uu caadaystay .

Daawo Garaadka Garaadkuna Guud Ee Beesha Dhulbahante

Puntlandes.com

About The Author