GAAS ”wadahadaladii aanu yeelanayna DFS, PL & JL waxay ahaayeen kuwo mira dhalay”

18 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

24bGAAS oo la hadlay warbiihinta inta uusan ka duulin Garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa waxaa uu sheegay in wada hadaladii ay yeelanayeen DFS, Puntland iyo Jubaland ay ahaayeen kuwo mira dhalay wuxuuna yiri mar uu ka hadlayey ” Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo mira dhalay ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

GAAS sharaxaad ka uusan bixin miraha ay dhaleen wadahadalaas ee intaas ayuu ku gaabsaday waana Caadadii GAAS lagu yaqaanay inuu dhabar jabiyo Shacabka Puntland inkastoo marakan ay ka duwan tahay oo uu yaalo Sharci uu Baarlamaanka Puntland uu ka soo saaray Dawladda Xamar hadduu hareer marana uu mugdi ku imaan akro Kursigiisa.

Puntlandes.com

About The Author