Maqaal: Amb:Cali Ameeriko Wadani taariikh kuleh bulshada soomaaliyeed

Waxaan wada ogsoonahay in umada soomaaliyeed ay marqaati ka tahay nin waliba waxa uu galo ama gudo. waxaasi ha ahaadeen wax wanaagsan ama wax xun,wax waxtar leh ama mid wax yeelo leh. hadaba Ali Ameeroko waa nin soomaaliyeed oo xil qaran kasoo qabtay dalka oo u shaqeeyay shacabka soomaaliyeed.waxaan aragnay xiliga dhibka lagu jiro ee soomaaliya dagaalada iyo colaaduhu hareeyeen in uu u istaagay difaaca iyo sharafka iyo xuquuqda umada soomaaliyeed ee ku nool gaar ahaan dalka kenya.waxa uu bad baadiyay kumanyaalo soomaali ah oo lagu dhibay kenya xabsi buu kasiidaayay,xeryaha koxotiga ayuu tagi jiray oo caalamka uuga dacwoon jiray in dadkaa masaakiinta ah la daryeelo.taariikhtaa qori doonta wax qabadkiisa halkan kama sheekaynkaro wax qabadkiisii.

waxa uu kamid yahay dadka dhisay dawlada soomaaliya kenya 2004 tii. waxa uu garabtaagan yahay dawlad walba oo ka dhalata soomaaliya waa nin dadku u siman yihiin oo soomaali nadiif ah.waa ku yar yahay soomaalida Ali Ameeriko oo kale.waxaana soo xusuustay adan cade iyo abdirashiid ali sharmarke. imisa soomaali ku dhibaataysan kenya ayuu wax u qabtay oo taakuleeyay si soomaalinimo ah isagoo simay dhamaan soomaali.

waa nin leh khibrad shaqo iyo waayo aragnimo siyaasadeed,calamkana la jaan qaadi kara maanta waxa kasoconaya. waxa uu dhawaan booqosho kuyimid dalal kamid ah yurub oo soomaalidii halkaa joogtay ay si aad iyo aad u heer saraysa u soo dhaweeyeen iyagoo ku qiimaynaya wax qabadkiisa soomaalinimo.waxa uu jecel yahay tanaasul iyo wada shaqayn ah in dalka iyo dadka loo adeego. waa aqoon yahan meel dheer wax ka arka kana buuxdo rabitaan dhab ah oo uu jecelyahay soomaaliya oo soo ceshata sharaftii iyo kala danbayntii caalamku ku yaqiinay oo lugaheeda ku istaagta.waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqeeyo sidii uu soomaali isugu keeni lahaa umidayn lahaa u walaalay siin lahaa dhamaan. sidii caruurta soomaaliyed ku helilahaayeen xuquuqdooda ah in ay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda helaan waxbarasho,caafimaad, iyo xoriyad maskaxeed oo buuxda. inay soomaaliya hesho mustaqbal cad oo wanaagsan.
Dalkeenu waa barwaaqo,dalkeenu waxa aan ognahay oo buuxa shidaal macdan kala duwan kaluun iyo xoolaha nool iyo beeraha waxaan hayaa qorshihii lagu gaari lahaa oo dhamaystiran soomaaliya iyadaa caalamku u baahan yahay waxayna noqonaysaa dal loo soo shaqo iyo nolol doonto. waxa taa lagu gaari waayay qorsho xumada soomaali haysata taasoo aan kasaari doono dhawaan hadii ilaahay idmo.
waa mabaadiida uu qabo ali waxaana loo baahan yahay rag sidan u fikiraya oo samata bixiya dalka. anagoo ah shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan waxaan diyaar u nahay in aan ku taageero fikirkiisaa wadaniyadeed ali oo aan la garab istaagno hiil iyo hooba.waxaan u rajaynaynaa ali guul iyo hormar soomaalina way ku xasuusan tahay kuna taageer santahay ee ogoow.
Horaa loo yiri good libaax ninkii gamay iyo ninkii galaday waa kala gartaa .
Umadii Go’doontay oo gaajo iyo macluulay gabagabeeyaan ninkii u gargaaray iyo ninkii gowraca ku jiiday waa kala gudboon yahay.
Maxamed Cali Ameeriko Amaan waa mudan yahay.

WQ: Yasin Ali Gass Helsinki Finland.

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author