DFS mushaar dhimis 70% & 25% ah ku samaysay Shaqaalaheeda dhaqaale yari darteed

21 july 2015 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Maaliyada Xukuumadda Xamar C/llaahi Maxamed Nuur ayaa in Golaha Wasiirada dawladda Xamar ay soo saareen in Mushahaar dhimis dhan 25% lagu sameeyo dhamaan Shaqaalaha dawladda Xamar.

C/llaahi ayaa wuxuu ku sababeeyey kadib markii ay Beesha caalamku jartay dhaqaalihii ay siin jirtay dawladda xamar mudadii lixdii bilood ee la soo dhaafay ay dowladda Xamar go’aan ku gaartay inay isku  filneysiiso dakhliga gudaha uga soo xarooda.

C/laahi oo sharaxaad ka bixinaya Dhibaatada dhaqaale ee ku habsatay dawladda xamar ayaa wuxuu cadeeyey in Shaqaalaha 6dii bilood ee la soo dhafay 70% laga jaray halka 6da bilood ee dhimana 25% laga jaridoono wuxuuna yiri “Shaqaalaha dowladda lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxay qaateen 30% mushaarkii u qornaa, lixda bil ee soo socota waxay qaadan doonaan 75% Mushaarka u qoran, boqolkiiba 25% ayaana laga jarayaa”

Shaqaalihii qaadanayey 100$ ama 200$ waxay 6dii bilood ee hore qaateen 30$ am 60$ waxa 6da soo socota qaadan doonaan 75$ ama 150$ waa haday fuliyaan siday sheegeene.

Puntlandes.com

About The Author