Daawo Video: Gudiyada xuduudaha iyo doorashooyinka ee DFS iska magaacabatay oo la dhaariyey

808

21 july 2015 (Puntlandes)  Gudiyada xuduudaha iyo doorashooyinka ee dawladda Xamar iska magaacabatay oo lagu dhaariyey xarunta golaha shacabka dawladda Xamar, hoos ka daawo.

Baarlamaanka Puntland ayaa 12kii july 2015 wuxuu soo saaray Go’aan ka koobnaa 5 Qodob oo uu ka dalbaday DFS inay ka noqoto oo saxdo haddii kale ay Oktober ka fariisan doonaan Baarlamaanaka Puntland si ay go’aan uga gaaraan dawladda Xamar, Halkan ka akhri Go’aankii uu Baarlamaanka Puntland soo saaray ama ka dhagayso.

Qodobka 3aad ayaa u qornaa sidatan:

3- Baarlamaanka Puntland wuxuu go,aan ku gaaray inaysan sharci ahayn sadexda Guddi ee soo socda:

A-Gudiga dib u eegista dastuurka dowladda federalka.

B-Gudiga Doorashooyinka.

C-Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federalka.

Hadaba maanta oo taariikhdu tahay 21dii july 2015 ayey sidii caadada u ahayd waxay iska sii wateen hawshoodii Baarlamaanka dawladda Xamar oo caado ka dhigatay inatý dastuurkii ummaddu ku heshiisay ku tumato iyadoonba u dhaqmin sidii dawlad Federaal ah!! CAJIIB.

Su’aashu iminka waxaa weeye muxuu GAAS yeelin? Waxaa la gaaray xiligii ay Puntland ka tashan lahayn Kooxda Dam Jadiid ee la diriraysa dawladnimadii waqtiga badan la isku dayayey in dib loo soo nooleeyo ama celiyo.

Puntlandes.com

About The Author