Odoyaasha Hawiye oo ku abaal mariyey Xasan Sheekh dagaalka uu Puntland kula jiro & isagoo qirtay!!!

169

24 july 2015 (Puntlandes)  Axmed Diiriye oo ka mida Odoyaasha Hawiye kana hadlay xalay Xaflad loo sameeyeyey dadkii kasoo qayb galay Caleemasaarkii C/kariim ayaa wuxuu si aad iyo aad ah ugu amaanay madaxweynaha Dawladda Xamar Xasan Sheekh wax uu ugu yeeray “MADAX ADAYG UU KA MADAX ADAYGAY WAX WALBA”  uuna ku sheegay inaysan hirgasheen maamulka Cadaado lagu dhisay haduunan jirin madax adayga Xasan Sheekh isagoo ula jeeda:

  • Ku Tumash DASTUURKII Ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay
  • Dagaalka ka dhan ah Puntland oo dhulkeeda lagu sheeganayo
  • Xasan Sheekh oo ku adkaystay in uu maamul u samaynayo labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud
  • Kuna qoray Dastuurka Cadaado in Xudduudoodu tahay Gobolka Nugaal

Waxay qireen haddii uusan Xasan Sheekh intaas oo dadaal ah iyo madax adayg uu maqli waayey wax walba oo loogu baaqo iyo inuu diido fulinta Heshiisyadii lala galay uusan samayn lahayn inaan maamulka Cadaado dhismeen waxayna isku raaceen Xasan madax adaygiisa inuu dhisay Maamulka Cadaado.

C/kariim oo soo Jeediyey in Bilad lagu siiyo Xasan Sheek madax adaygii uu miijiyey

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa wuxuu soo Jeediyey in Bilad Sharaf lagu siiyo Xasan Sheek madax adaygii uu miijiyey kaasoo keenay inay ku dhismato maamulka Cadaado!!! CAJIIB.

Muxuu Xasan Sheek ka yiri madax adaygii bilada lagu siiyey?

Xasan Sheekh ayaa aad ugu riyaaqay madax adaygii bilada lagu siiyey wuxuuna yiri “Madax adayga la igu sheegay waxaa weeye wax aan anigu AAMINSANAHAY ama DAD KALE IGALA TALIYEEN (HAWIYE) ayaan ku madax adaygaa” wuxuuna halkaas ku gudoomay Bilad Sharaftii lagu siiyey MADAX ADAYGA isagoo qoslaya sidii caadada u ahayd, hada ogow ninkaasi wuxuu ku magacaaban yahay madaxweyne e !!!

Shacabka Puntland waa arkaan Xasan Sheekh iyo dagaalka aan qarsoodiga ahayn ee uu ku hayo iyaga iyo reer Jubland!!

Puntlandes.com

About The Author