FAALO-Caado: Beesha caalamka ma dawladnimada Somalia ayey dhisaysaa mise waa Hortaagan tahay?

24 july 2015 (Puntlandes) Shalay Degmada Cadaado waxaa lagu Caleemasaaray C/kariim Xuseen Guuleed oo madax looga dhigay maamul aan Dastuurka Waafaqsanayn oo ay DFS ku dhoodhoobtay halkaas.

Munaasabad lagu caleemosaarayo madaxwyanaha maamulkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxweynaha DFS,  Wakiilo ka socday Qaramada midoobey iyo Beesha caalamka oo kala ahaa:

  1.         Wakiilka Uganda
  2.         Wakiilka IGAD
  3.         Safiir kuxigeenka Itoobiya
  4.        Wakiilka EU
  5.        Ergayga Xoghayaha Guud ee UN ka

Dib u eegid siday u dhaqantay Beesha Caalamku

Taariikhdu markay ahayd 30kii july 2014 tii ayaa waxaa Villa Somalia isugu tagay maamulo yar yar haa oo ka jiray Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud kuwaas oo kala ahaa:

  1. Galmudug: oo ka jirtay Xaafada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo
  2. Ximan iyo Xeeb; oo ka jirtay Degmada Cadaado
  3. Ahlusunna: Oo ka jirtay Dhuusamareeb iyo Guriceel

Iyagoo halkaas ku saxiixay Heshiis lagu samaynayo maaml ay ku midaysan yihiin  waxaa kaloo qayb ka ahaa saxiixa Wasiirada ku jiray DFS oo aan qabiilooyinkoodu ku jirin maamuladaas yar yar iyadoo dad ahaan lagu sheegay inay yihiin 11 Beelood waxa maamulka loo samaynayaa oo dega Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud!!

Dastuurku muxuu ka qabaa maamulkan?

Hadaba Dastuurka ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay waxa uu leeyahay waxaa maamul samaysan kara laba Gobol iyo wixii ka badan taasoo haddii loo eego Dastuuriyan uusan buuxin Sharuudaas maamulka ay DFS doonaysay inay samayso, iyadoo taas laga duulayo ayaa waxay DFS bilowday wax ay ugu yeerto waxaan maamul u samaynaa Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo isku dhan.

Taasoo xadgudub cad ku ah Dawladda Puntland oo muddo 17 sano ah ay hoos imaanaysay ayna ka tirsan tahay qaybta waqooyi, Bari iyo Galbeed ee Gobolka Mudug.

Muxuu boqday doorkii Beesha Caalamku

29b
Heshiiskii Villa Somalia AMB Key oo Saxiixaya

Beesha Caalamku waxay u ahayd goobjoog wayna u sacbiyeen oo wax ka saxiixeen Heshiiskii Villa Somalia ka dhacay ee la Qorsheeyey in Gobolka Mudug qalin lagu BOOBO iyadoo lagu Xusuusto hadalkii Dagaal huriye CabdiQaybdiid ahaa ”Fad ama ha fadin waa la idin fadsiin” oo uu ula jeeday indhihiina oo shan ah ayaan Mudug qaadanaynaa!!

29
Heshiiskii Villa Somalia Michele Chervone oo Saxiixaya

Boobkan cadi wuxuu dhaliyey in dawladda Puntland iyo Shacabkeedu ay aad uga soo horjeestaan daandaansigan dagaal oo Villa Somalia looga dhawaaqay.

Doorkii Beesha Caalamku ee heshiiskii Puntland & DFS

????????????????????????????????????
RW Cabdiwali & madaxweyne GAAS oo saxiixaya Heshiiskii Garowe 14 okt 2014

14kii oktoobar 2014 waxaa Caasimada Puntland ee Garowe booqasho ku yimid Raysul Wasaarihii DFS Cabdiwali Sheekh isagoo Heshiis la galay Puntland kaasoo si cad u sheegaya in maamulka ay DFS dhisaysaa uu yahay mid aan buuxin sharuudihii kana kooban Gobol iyo bar ah Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.

29d
Safiirka EU & Safiirka Itoobiya oo Saxiixaya Heshiiskii Garowe
29g
Ergayga UN AMB Key & Safiirka IGAD oo Saxiixaya Heshiiskii Garowe

Beesha Caalamku waxay u ahayd goobjoog wayna u sacbiyeen oo wax ka saxiixeen Heshiiskii Puntland iyo DFS ee 14 okt 2014kii, hoos ka daawo Musaasabadii Saxiixa Heshiiska Garowe ee 14kii oktoober 2014.

Raysul Wasaarihii DFS Cabdiwali Sheekh wuxuu ku waayey heshiiskaas Xilkiisii waana daawanaynsay Beesha Caalamku!!

Sidee u dhaqantay Beesha Caalaku Heshiiski Garowe ka dib?

Waxay sii wadeen taageerada af-feed, Diblomaasiyadeed iyo mid Dhaqaale ee ay siiyaan Qorsha Xasan Sheekh ee Cadaado ka socday, iyagoon hal mar soo hadal qaadin, tixgelina siin Heshiiskii Garowe ee dhigayey waxa maamulka loo samaynayaa inay yihiin Gobol iyo Bar.

Xataa waxaa Cadaado lagaga dhawaaqay dastuur lagu qoray in maamulka Cadaado ay Xudduudiisu tahay Degmada Buurtile ee Gobolka Nugaal taasoo ay ku muujinayaan inay Mudug Qaateen ama BOOBEEN, kama aysan hadlin Beesha Caalamku!!

Dhoodhoobkii Cadaado kadib maxay samaysay Beesha Caalamku?

4tii july 2015 waxaa ka soo baxay Cadaado maamul aan Dastuurka waafaqsanayn oo ay DFS ku dhoodhoobtay kaasoo ay madaxweyne uga dhigtay C/kariim Xuseen Guuleed.

Isla markiiba Beesha Caalamka oo isticmaalaysa calaamadihii lagu yaqaanay ee JIRJIROOLENIMADA ayaa Qoraal soo saartay ay ku leeyihiin ma ogolin in Puntland oo xasiloon Colaad laga huriyo waana in la tixgeliyaa Heshiiskii Garowe ee ay ku gaareen Puntland iyo DFS, halkan ka akhriso FAALO ka hadlaysa baaqii Beesha caalamka.

Caleemasaarkii Shalay & Beesha Caalamka

Waxay lasoo baxeen Buug cusub oo ku taal waa Gobol iyo Bar KMG ah mana aqbalayno in dhulka Puntland la shegto!!

29h
Ergayga UN oo ka hadlaya Caleemasaarkii Cadaado

Ergayga Qarmada Midooobey u qaabilsan Somaliya Nicholas Key ayaa sheegay in uu aqoonsan yahay heshiiskii Caasimada Puntland ee Garowe ku dhexmaray Raysal wasaare Cabdiwali Shiikh  iyo Puntland kaasi oo dhigayey in maamulka Galmudug ka koobnaan doono Galguduud iyo Konfurta Mudug.

Nicholas Key ayaa xusey in laga soo bilaabo sanadkii 1993-dii dadka Galmudug iyo Puntland si nabad ah Mudug ugu wada noolayeen uuna doonayo in ay sidoodii nabad ugu wada deganaadan lana tixgeliyo Heshiiskaas.

29k
Safiirka EU oo ka hadlaya Caleemasaarkii Cadaado

Safiirka Midowga Yurub u qabailsan arrimaha Somalia Michele Chervone oo ka hadlay munaasabada caleemo saarka ayaa sidoo kale tilmaamey AHN Cabdulahi Yusuf iyo Maxamed Farax Caydiid horey u xaliyeen arinta Puntland uuna filayo aan la carqaladayn nabadaas lagu wada noolaa ilaa 1993dii.

Waxaa isna sidaas si la mida u hadlay kuxigeenka Safiirka itoobiya ee Soomaaliya Jamaal oo si cad u sheegay in la ixtiraamo Xuduuda Dhuleed ee dawladda Puntland.

29l
C/kariim, Xasan Sheekh & Shaiif Xasan oo Cadaado jooga

Madaxwyanaha DFS Xasan Shiikh  oo aad uga xumaaday hadalada wakiilada Beesha Caalamku ka jeediyeen Munaasabada caleemasaarka Saaxiibkiis C/kariim ayaa si caro leh u yiri ”Beesha Caalamka waad ku mahadsan tihiin Taageeradiina laakiin waxaan idin leenahay dulqaad muujiya wax ka dhacaya dalka majiraane” Isagoo islahaa u laabqabooji Beesha Caalamka waxay ka walwalsan yihiin in dagaalo ka curtaan Gobolka Mudug e maadaama ay hadaladoodii ku jirtay Cabsi ay ka qabaan sidaas.

Ma yihiin hadalada iminka ee Beesha Caalamka kuwa PL u dhegtaagi karto?

????????????????????????????????????
Waa sawir Muujinaya Dawladnimadu waxay tahay taasoo aan laga rabin Xamar

Jawaabtu waa maya, marka koowaad Mudug Puntland baa leh mana ahan wax ay Beesha Caalamka ka baryayso ama ay hiil uga baahan tahay waa lama taabtaan MUDUG qiimo kasta oo ay ku kacayso. Tan labaad nimankan sheegtaa magaca Beesha caalamka waa jirjiroolayaal u shaqaynaya inay Soomaali sii kala fogeeyaan maalinba qolo taageeraya aan tixgelin siinayn Dastuurkay ummaddani ku soo heshiisay garabna ku siinaya Xasan Sheekh oo burburinaya.

Puntland maaha inay maqasho BEENTA iyo is oohinta ay shalay Cadaado ka yiraahdeen Wakiilada Beesha Caalamka waana inaan difaacanaa Mudug kana tashanaa Xamar iyo Xumaanta ay wado

Puntlandes.com

About The Author