Daawo Video: Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gobolka Mudug oo ka warbinay xaalada Isbitaalka

26 july 2015 (Puntlandes) Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Jaamacadda Gobolka Mudug DR Maxamed Xuseen aaden ayaa wuxuu ka warbixiyey hawlaha Isbitaalka Gobolka Mudug iyo Baahiyihiisa iminka.

Agaasimaha ayaa sheegay inay inuu Isbitaalku u adeego dhamaan Bulsho waynta Soomaaliyeed iyo waliba wadamada deriska ah waxaana u dhamaystiran qaybihii kala duwanaa ee Isbitaal u baahnaa, uuna leeyahay ilaa 500 Sariirood uuna la mataanaysan yahay Kuliyada Caafimaadka oo uu yahay Isbitaal Jaamacad.

Baahiyaha Isbitaalka ayuu Agaasimaha Guud ee Isbitaalku sheegay inay ka mid tahay Isbitaalka oo aan la hayn meel dhiiga lagu kaydiyo iyadoo uu Isbitaalku kala kulmo Dhibaato Bukaanada u baahan Dhiig. Agaasimahama ayaa yiri “maalmaha qaarkood Isbitaalku wuxuu qaanbilaa ilaa 1000 Bukaan laakiin isku celcelin wuxuu Isbitaalku qaabilaa maalinkii ilaa 600 Bukaan, halku uu Isbitaalku qaabilo 25000 ilaa 30000 Bukaan”

DR maxamed Xuseen Diiriye (Timir) oo ka hawlaga qaybta Gargaaarka Isbitaalka ayaa wuxuu baaq u diray dawladda Puntland inay Isbitaalka ka caawiyaan meel Dhiiga lagu kaydiyo. Dhakhtarka ayaa si gooni ah u sheegay inay dhibaato ka haysato dadka ka yimid meelaha fog-fog oo aan ehel dhiig siiya la socon, kuwa soo dhaawcma iyo Shilalka Baabuurta oo ku badan Gobolka.

33d
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Jaamacadda Gobolka Mudug DR Maxamed Xuseen aaden

Isbitaalka Gobolka Mudug ayaa Gumaystihii Talyaanigu dhisay sanadku markuu ahaa 1935kii waana Isbitaal aad u wayn ayna ka faa’iidaystaan dad aad u fara badan iyadoo ay shaqada Isbitaalku ay aad ko ugu kacday tan markii ka hawl bilaabay IsbitaalkaAgaasimaha Guud ee Isbitaalka Jaamacadda Gobolka Mudug DR Maxamed Xuseen aaden oo aad loogu amaanay shaqada uu ka hayo Gobolka.

Daawo Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Jaamacadda Gobolka Mudug DR Maxamed Xuseen aaden

Puntlandes.com

About The Author