(Sawirro +Video) Bayaan ay soo saareen Isimada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta reer Puntland & Jubbaland ee Seattle

Waxaa kulan ballaaran isugu yimid odayaasha, waxgaradka, Isimimada  iyo siyaasiyiin reer Puntland iyo Jubbaland ee ku dhaqan gobolkaan Washington State. Kulanka ayaa lagu falan qeeyey xaaladda siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya, gaar ahaanna xiriirka dowladda feedaraalka iyo dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo muddooyinkii ugu danbeeyey  sii xumaanayey.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka madasha isugu yimid waxay sheegeen in waddanku ku sii socdo mugdi iyo mustaqbal madow oo horseedi kara kala googo’ iyo burbur ku yimaada midnimada Soomaaliya, iyadoo ay eedda iyo masuuliyadda arrinkaasina ay dusha ka saareen madaxda sarsare ee Dowladda Feedaraalka Soomaaliya. Kulankaan oo socday dhowr saacadood ayaa ugu danbayntii waxay duqayda iyo siyaasiyiinta reer Puntland iyo Jubbaland soo wada saareen bayaan dhowr  qodob ah oo u dhignaa sidatan hoos ku qoran:

1-     1- Waxgaradka iyo siyaasiinta kulanka yeeshay waxay si buuxda u taageersanyihiin  go’aankii baarlamaanka Puntland uu ka gaaray guddiyadii, sharciyadii iyo maamulkii ay dhistay dowladda Feedaraalka ah ee Soomaaliya, go’aankaas oo ay sidoo kalena taageereen xukuumadaha Puntland iyo Jubbaland.

2-     2- Duqayda iyo siyaasiyiinta kulanka isugu yimid waxay kaloo hanbalyo iyo bogaadin udirayaan ciidamada Jubbaland oo maalmo ka hor xoreeyey magaalada baardheere iyagoo gacan ka helayey xoogagga nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya ku sugan.

3-     3- Waxgaradka iyo siyaasiyiintu waxay kaloo canbaaraynayaan siyaasadaha dowladda feedaraalka ee aan xigmada iyo caqliga ku dhisnayn. Haddii aysan madaxda sarsare ee dowladdu ka waantoobin falalka noocaas ahna ay iyagu ugu horreeyaan cidda ku khasaaraysa

Ugu danbayntii waxgaradka iyo masuuliyiinta madasha isugu yimid ayaa bulshada reer Puntland  iyo Jubbalanba ugu baaqay inay kasoo qayb galaan Xaflad lagu maamuusayo sannadguuradii 17-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland oo lagu qaban doono Hoolka shirarka ee Seatac Market 2 bisha 8-aad ee foodda inagu soo haysa.

?
?
?
?
?
?

?

?
Xigasho puntlandi
Puntlandes.com

About The Author