Daawo Video: Gudoomiye Ciro oo u Jawaabay madaxweyne Siilaanyo

26 july 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro oo maanta Shir jara’id oo uu ugu Jawaabayo hadalkii uu maanta madaxweyne Siilaanyo sheegay oo ku saabsanaa in Go’aanka Guurtigu yahay Sharci ayaa sheegay inuusan oran anna waan fadhinayaa Kursiga madaxweynuhuna ha baneeyo Kursiga ee uu leeyahay aanu labadeenuba banayno Kursiga.

34f

Gudoomiye Ciro ayaa mar la waydiiyey sababta uu Baarlamaanku Xeerarka looga baahan usoo saari waayey ayuu wuxuu ku jawaabay “Carqalada ugu wayn ee Golaha Xeerdejinta haysataa waxaa weeye fargelinta Goloha Wasiirada” isagoo ku daray ha yimaadaan Golaha Xildhibaanad Kulmiye.

Mar la waydiiyey Gudoomiye Ciro in madaxweynuhu uu sheegay inuu  talaabo sharciga waafaqsan ka qaadidoono ayuu wuxuu ku jwaabay “Horta inuu Sharciga ixtiraamayo waxa inooga filan talaabada uu maanta qaaday madaxweynuhu oo ah inuu Ruqseeyey Xukaantii xukuntay Xukunkii ka soo baxay Maxkamada Sare marka laga reebo Gudoomiya Maxkamada Sare wuu Eryey madaxweynuhu…”

Daawo Gudoomiye Ciro

Puntlandes.com

About The Author