Dhagayso-Cadaado: Carabeey “Maamulkayaga marnaba Gobol & Bar maaha ee waa laba Gobol Mudug & Galgaduud oo Buuxa”

28 july 2015 (Puntlandes) Maxamed Xaashi Cabdi  Carabeey ayaa waraysi uu siiyey si cad u shegay inaysan ka noqon inay Maamulka Cadaado lagu dhoodhoobay uu ka taliyo labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo BUUXA wuxuuna yiri “Maamulkayaga marnaba Gobol & Bar maaha ee waa laba Gobol Mudug & Galgaduud oo Buuxa” ka bilow daqiiqada 2,30 si aad u dhagaysato inta Gobol ee uu ka kooban yahay Maamulka Cadaado.

167

Carabeey ayaa isagoo sii sharxaya waxa uu yiri “Anaga Dastuurkayaga waxaan ku qoraney in maamulkayagu uu ka kooban yahay labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud, kaliya waxaan bedelney meeshii ay ku Qornayd inay Nugaal Xuduudu tahay ayaan waxaan ku bedelney inay Xudduudu tahay Puntland oo isla meeshii ah
Dhagayso-Daawo Carabeey

Kooxda DAM JADIID ayuu madaxweyne GAAS kula Heshiiyey Khiyaanada Puntland iyo Shacabkeeda waxaana ka markhaati kacaya Hadalada iska hor imanaya ee uu ku hadlayo Carabeey kuwaas oo Muraadkoodu yahay inay GAAS u sameeyaan QIIL uu kula shaqeeyo kaliya. Sida ay sheegayaana waxaa Maamulkooda hoos yimaada Gobolka Mudug oo dhan.

3A

Waxaa kaloo wax lagu qoslo ah waxay lasoo shir tagtay DAM JADIID oo aan Caruurta xataa loogu sheekayn karin iyadoo uu xataa Xasan Shiikh oo awalba isagu sameeyey Dastuur ku sheega Maamulka Cadaado uu isla shalayba soo dhaweeyey BEENTA ka soo baxday Cadaado, ma xumee muxuu soo dhaweeyey? soow kuwan wali ku haya waxaan maamul u tahay Mudug oo buuxa!!

Ha ogaadaan Shacabka reer Puntland inaysan qaldi karin kuwan aan RUNTABA aqoon, waxaana la gaaray xiligii ku haboonaa oo ay Shacabka reer Puntland iska hor dhaqaajin lahaayeen madaxweyne GAAS oo gacantiisa ku burburinaya Puntland.

Puntlandes.com

About The Author