XOG: Amarkii DAM JADIID oo ka shaqeeyey PL, GAAS oo ku Amray Wasiirka Warfaafinta PL inuusan ka hadli karin Cadaado & DAM JADIID

28 july 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Dawladda Xamar isla markaasna madax u ah Kooxda DAM JADIID Xasan Sheekh ayaa markuu ka hadlayey Cadaado xafladii caleemasaarka C/kariim Xuseen Guuleed oo ay DAM JADIID madax uga dhigtay maamul ay ku dhoodhoobtay Cadaado waxaa uu ku AMRAY madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS inay JOOJIYAAN saxaafada ay kala hadlayaan C/kariim iyo maamulkiisa, hadaba GAAS ayaa AMARKAAS sidiisa u fuliyey kadib markuu Amray Wasiirka Warfaafinta Puntland inuusan ka hadli karin Cadaado iyo DAM JADIID.

35c

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo wax ka bedelay Puntland intii uu noqday Wasiirka wasaaradaas ayna Shacab reer Puntland soo dhaweeyeen sida uu Codkooda ugu hadlayo una sheegayo waxa ay ka qabaan Dastuur ku tumashada dawladda Xamar ayaa waxaa aad u dhibsaday hadaladiisa iyo Codka reer Puntland oo uu ku hadlayo Kooxda DAM JADIID iyagoo ku Amray GAAS inuu aamusiyo ninkaas.

3A

 

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG ku heshay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS oo fulinaya AMARKA DAM JADIID uu AMAR adag duldhigay Wasiir Soocadde inuusan ka hadli karin:

  1. DAM JADIID iyo Qorshayaashooda,
  2. Waxa ay samaynayaan
  3. Dastuur ku tumashadooda
  4. Maamulka aan Sharciyadda haysan ee ay Cadaado ku dhoodhoobeen
  5. Gobolka Mudug ee Puntland
  6. Guddiyadda iyo Xeerarka ay samaysan dawladda Xamar ee DAM JADIID

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xassan Soocadde ayaan ka hadlin hadaladii iyo Dastuur ku tumashadii ka dhacday Cadaado markay DAM JADIID Caleemasaarayeen C/kariim iyo wixii ka dambeeyey!! waxaana sabab u ah AMARKA GAAS ku amary inuusan ka hadli karin.

Shacabka reer Puntland ayaa ku haysan dawladoodda ruux ku hadla Aragtidooda oo usoo bandhiga BEESHA CAALAMKA iyo Soomaalida inteeda kale taaso dhabar jab wayn ku ah Himilooyinka reer Puntland.

Puntlandes.com

 

 

About The Author