Telefishinka Puntland Tv oo laga joojiyay in laga baahiyo Shirka DAM JADIID & soo dhaweyntii Faroole

29 july 2015 (Puntlandes)  Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlabdes ayaa sheegaysa in Wasaradda Warfaafinta Puntland oo Fulinaysa rabitaanka Madaxtooyada Puntland ay ku amartay maamulka Telefishinka Dowladda (PLTV) inaan laga sii dayn karin Shirka Xamar uga Furmay Kooxda DAM JADIID ee ay ku marin habaabinayso Beesha caalamka iyo soo dhawayntii aadka u balaarnayd ee maanta Garowe loogu sameeyay madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole oo dalka dib ugu soo noqday.

36d

Shacabka Puntland ayaa waxay aad ula yaabeen markay PLTV Warkiisa ka waayeen Soodhawayntii Faroole iyo Shirka ay Kooxda DAM JADIID ku magacawday inay Soomaali oo dhami ku gorfaynayaan waxa laga yeelayo 2016 oo ay Qoorshaysnayd in Doorasho dalka ka dhacdo laguna Doorto dawlad cusub.

36a

Aqoonyahano ku xeer dheer arrimaha Soomaaliya oo ay Warbaahinta Puntlabdes wax ka waydiisay ayaa waxay sheegeen inay aad ula yaaban yihiin hab dhaqanka madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS oo caadaystay Caburin iyo inuu isku dayo wax aan Qarsoomayn ama aan la qarin karin inuu Qariyo. Iyagoo sheegay inay ahayd in PLTV uu war ahaan usheego in shirkaasi uu Xamar ka furmay aysana ka qayb galayn Puntland iyo Jubaland Xataa haday dawladda GAAS goosatay inaysan ka hadlin. Waxay kaloo sheegeen inay ahayd wax lagu qaslo in ay dawladu diido in la baahiyo imaanshaha madaxweynihii hore ee Puntland

Amarkan ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Xassan Soocade isagoo fulinaya Rabitaanka madaxtooyadda.

Waxaa xusif mudan in dadkii soo dhaweeyey Faroole ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire. wasiiradda Deegaanka, Caafimaadka iyo Amniga, Xildhibaano iyo madax kale.

Puntlandes.com

About The Author