Sawirro: Dekedda Garacad oo si habsami leh u shaqaynaysa

08 March 2025 (Puntlandes.com) Dekedda Garacad ee gobalka Mudug ayaa si habsami leh u shaqeeynaysa, iyadoo Dekedda ay kusoo xirteen Maraakiib waa weyn oo sidda shixnado ganacsi, kuwaas oo u socda goballada dalka iyo waddamada dariska ah.
Dhanka kale Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ka daahfurtay Dekedda Barnaamijka (PuntCAS)Puntland Customs Automation System oo loogu tala galay in loo isticmaalo Badeecadaha ka soo dega Kastamka Dekeda Garacad ee Puntland.









