GAAS oo Taageeray soona dhoweeyey Shirkii DAM JADIID ee Xamar lagu qabtay 29-30kii july 2015!!!

6 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwaeli Maxamed Cali GAAS ayaa qarsan waayey sida uu u Taageersanaa Shirkii ay Kooxda DAM JADIID ku qabteen Xamar kasoo ay kusoo badhigayeen bilowga Qorshahooda dib loogu dooranayo sanadka 2016ka.

GAAS ayaa Warsaxaafadeed uusoo saaray afka Ingiriiska oo klaiya lagu shaaciyey inta uusan la kulmin ku xigeenka cusub ee wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Peter de Clercq iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland shalay, halkan ka akhri Warsaxaafadeedka GAAS.

Warsaxaafadeedka GAAS ayaa lagusoo dhoweeyey wixii kasoo baxay iyo Shirkii 29-30 July, 2015 lagu qabtay Xamar ee ay diiday Puntland inay ka qayb gasho shirkaas maadaama uu ka qayb galayey C/kariim Xuseen Guuleed oo sheeganaya maamul aan Dastuurka waafaqsanayn, laguna sheeganayo dhulka Puntland.

Shirka  Kooxda DAM JADIID ee Xamar ayaa Fashil iyo waji gabax waxaa kala kulmay madaxda Dawladda Xamar ee uu ugu horeeyo Xasan Sheekh, maadaama aysan kasoo qayb gelin Jubaland iyo Puntland.

 

GAAS ayaa Warsaxaafadeedkiisa ku sheegay inay ”Puntland” Taageersan tahay fulinayso dhamaan qodobadii kasoo baxay Shirkaas. Soo dhawaynta GAAS ee Shirkaas waxay si toos ah u Aqoonsatay in Gobolka Mudug uu maamulo kana tirsan yahay maamulka dhawaan dawladda Xamar ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado oo C/kariim Xuseen Guuleed madaxda u yahay maxaa yeelay waxaa ka qayb galay waxna kasoo saaray Qodobadii kasoo baxay C/kariim oo ah madaxweyne maamul Gobaleed ka kooban laba Gobol oo kala ah Mudug iyo Galgaduud waana taas waxa uu GAAS Taageeray soona Dhaweeyey Shalay.

GAAS ayaa caadaystay inuu shacabka reer Puntland ku Hogaamiyo BEEN iyo go’aamo iska hor imaanaya kuwaasoo dhaawac aysan kasoo kaban karin gaarsiiyey Puntland iyo midnimadeeda Dhuleed, dadeed iyo Sumcadeeda.

1640

Akhriso Qodobadii Puntland kasoo baxay 30 July ayna Taageereen soona dhaweeyeen Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan:

  • Jabinta iyo Bedalida Qodobada Dastuurka KMG ee Federaalka Soomaaliya
  • Hirgelin la’aanta heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Federaalka
  • Ololaha hogaanka Federaalka ugu jiro burburinta Nidaamka Federaalka iyo dhismo xukuumad looga taliyo MUQDISHO oo kaliya.
  • Burburintii Golaha Sare ee Federaalka Soomaaliya (Qod. 72 Farqadiisa)
  • Maqaamka Caasimada Federaalka Soomaaliya (Qod. 9)
  • Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
  • Sharuucda iyo xeerka wax ka bedalista iyo dib ugu noqoshada Dastuurka (Qod.199 farqadiisa 3 iyo 5)
  • Sharciga dhulka, hantida iyo bey’ada ee Dastuurka (Qod.44 farqadiisa 6)
  • Baahinta Awoodaha dowlada (Qod. 55)

Halkan ka akhri Warsaxaafadeed ay dawladda Puntland kasoo saartay sababata ay uga qayb geliwayday shirkaas.

GAAS keebaa u fiicnaa inuu Shirka tago kana soo jeediyo aragtiga Puntland ee ku aadan maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn iyo 2016ka iyo inuu diido ka qaybgalka Shirkaas  sidii dhacday, Taageerana soona dhaweeyo 6 cisho kadib markuu dhamaaday Shirkaas!!!! CAJIIB Maxaa lagu tilmaami karaa Hogaamiye NOOCAAS ah?

Inta badan Shacabka reer Puntland ayey waxay ku abuurtay soo dhawaynta haatan uu GAAS soo dhaweeyey shirkii Xamar wal-wal aad u wayn oo ay ka qabaan Xaalada Hogaamineed ee ay Puntland ku sugan tahay iminka iyadoo waxa kaliya ee Shacabka reer Puntland ka wada hadlayeen ay tahay Puntland iyo sidii lagu Badbaadin lahaa.

Puntlandes.com

About The Author