GAAS ”Puntland” oo dhowaan soo Bandhigaysa Qorshaha ay u diyaarisay Doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016-ka

6 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwaeli Maxamed Cali GAAS ayaa dhowaan dadweynaha Soomaaliyeed usoo Bandhigaya Qorshaha uu ugu tala galay Doorashooyinka Soomaaliya la filayo in ay ka dhacayaan sanadka 2016-ka, xilli uu GAAS Taageeray soona dhawayeeyey Shirkii Xamar ka dhacay 29-30ka july oo ay DFS kusoo bandhigaysay Qorshaheeda ay ku doonayso in dib loogu doorto 2016ka.

37h

Hadalkan ayaa GAAS ”Puntland” ku sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay ka dib markii uu maanta oo Khamiis ah soo dhamaaday shirkii  “Golaha Xukuumadda Puntland”.

Waxaa wax lagu Qoslo ah in GAAS yiraahdo, Xafladdii 1da Agoosto,  Anaa ”Puntland” Soomaaliya noqonaya haddii la ila Fahmi waayo Soomaalida aan doonayo, maantana uu yiri anaa samaynaya ama soo bandhigaya Qorshaha Doorashooyinka 2016ka , oo waa yaabe yaa ka akhrisanaya.

Akhriso warsaxaafadeedkii  Gaas

43c

43d

 

Puntlandes.com

About The Author