Daawo Video: Gudoomiyaha Gobolka Mudug ” Inaan awood u yeesho inaan ka sameeyo Gobolka Mudug Cadaad dawladuna igu gacansiiso”

?
?

6 Agoosto 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/qaadir Shire Faarax Ereg oo kaqayb galay Munaasabad lagu Xusayey sanadguuradii 17aas ee ka wareegtay markii la Aasaasay Puntland, kana dhacday magaalada Seattle ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay inuu ku aqbalay inuu qabto Xilka Gudoomiyha Gobolka Mudug sadex Sharuudood oo kala ah:

  1. Cadaalad. Inaan awood u yeesho inaan ka sameeyo Cadaad dawladuna igu gacansiiso
  2. In Shacabka Puntland ee degan Gobolka Mudug ay u siman yihiin dhibka iyo dheefta Gobolka Mudug
  3. Gobolka Muug inuu Xukumo aniga oo kaliya iyo Gobolka Mudug in lagu dhaqo xeer gaar ah maadma uu ku yaalo Furin cadow badana uu leeyahay.

Waxaana ku iri madaxweynaha inaanan dadka Mudug been u sheegayn aana dib kuugu soo celinayo haddii ay fuli waayaan qodobadaas, wuxuuna inaats ku daray inkastoo mudada uu joogay ay aad u kooban tahay inuu ku hawlan yahay fulinta balanqaadkiisii.

Gudoomiye Ereg ayaa waxa uu madaxweyne Gaas usoo magacaabay gobolka Mudug bishii May ee sanadkan 2015 waa Gudoomiyihii ugu horeeyey ee isku daya inuu maamul dawladeed ka fuliyo Gobolka waxaana laga codsanayaa waxgaradka iyo dhamaan Shacabka Gobolka Mudug inay soo dhaweeyaan oo la shaqeeyaan si Gobolku uu uula jaan qaado Gobolada la mid ka ah

Gudoomiye Erig ayaa ah Gudoomiye doonaya dawladnimo iyo Horumar inay ka hano qaado Gobolka Mudug runtii waa aad loogu farxo.

Puntlandes.com

About The Author