Madaxweyne GAAS oo 15 bilood kadib Gobolka Mudug soo gaaray & Shacabka oo indhaha kuwada haya

11 Agoosto 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali GAAS ayaa safar ku yimid Gobolka Mudug oo ay ugu dambaysay 15 bilood ka hor mar uu yimid taaso ku beegnayd bilawgii Abriil 2014tii. GAAS ayaa markaas waxa uu kala noqday Gobolka Mudug Fashilaad iyo FADEEXAD kadib markii madax UN ka ka socota oo uu kula lulmi lahaa Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Abdulahi Yusuf Airport dhexdiisa iyagoo Diyaarad kasoo degay soona gaaray Gaalkacyo.

46c

Dhibaatooyinka haysta Gobolka Mudug

Gobolka Mudug kama aysan jirin dawladnimo tan iyo markii la Aasaasay Puntland 1998 dii waxayna taasi keentay in Gobolku uusan samayn wax Horumar ah iyo iyadoo si toos ah looga shaqeeyey in loo diido dadka Gobolka ee walaalaha ah inay tashtaan kana shaqeeyaan Horumarkooda iyo midnimadooda.

Magac ahaan waa u jiraan dhamaan maamulka Gobolka iyo kan Xaruntiisa Gaalkacyo laakiin maaha kuwo shaqeeya oo u adeega Shacabka Gobolka. Awooda Gobolkana waxay si Sharci daro ah Gacanta ugu jirtaa Koox adag oo ka talinaysay Gobolka laga soo bilaabo 1991dii markii ay Xukuumadii  Siyaad Barre Dhacday!

Kooxda GAADAYARE ee ka talisa Gobolka & Xaruntiisa

1639
GAADAYARE & DHAGAWEYNE

Waxaa Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacayo ku amarku taaglaynayey dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey Koox uu iminka Hogaanka u hayo Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” Mr Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare (Boqorka Mudug) waxaana iminka ninka labaad ka ah Kooxda GAADAYARE Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne.

Culayska ay KOOXDA GAADAYARE ku hayso Shacabka samaha jecel ee Gobolka Mudug ayaa ah:

  • Waxay sidii inay leeyihiin u maamushaan Dhaqaalaha Gobolka Canshuur ahaan uga soo xarooda oo ah mid aad u badan,
  • Waxay iska horkeenaan Shacabka Gobolka Mudug iyagoo u samaynaya inay meesha sii joogaan.
  • Waxay Hor istaageen inay dawladnimo ka hanaqaado Gobolka Mudug iyagoo ah dawlada RASMIGA ah ee Gobolka Mudug.
  • Waxay ISBAARO u noqdeen in Gobolka Mudug uu hiigsado Horumar sida Gobolada la mid ah.
  • Waxay Abuuraan Amini xumo si ay meesha sii joogaan.

Kooxda GAADAYARE ma Geed Mudug ka baxay baa?

GAADAYARE wuxuu xilka hayaa laga soo bilaabo desember 1999kii ilaa iminka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii madaxweynaha Gobolka Mudug isagoo aaminsan inuu yahay  GEED KA BAXAY Gobolka Mudug oo aysan jirin cid xilka ka qaadi karta.

Dhagaweyne wuxuu isna hayaa xilkan laga soo bilaabo Maajo 1991dii ilaa iminka wuxaana isna aaminsan yahay inuu yahay GEED KA BAXAY Gobolka Mudug oo aysan jirin cid xilka ka qaadi karta.

Soow gar uma laha inay sidaas aaminaan KOOXDA GAADAYARE haddii ay sidii inay meesha iyagu leeyihiin ay waqti intaas le’eg ay Shacabka Gobolka Mudug ku hor Gudbanaayeen uguna tagri falayeen Dhaqaalaha ummadda Gobolka ka dhaxeeya sidii inay iyagu leeyihiin oo dhaxal Aabe u heleen!! CAJIIB. Aduunka xaggee ka dhacdaa Ruux intaasa madax ah Soomaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa “Booli kugu raagtay Xoolahaagaad moodaa” miyeysan sax ahayn inay isasiiyaan Gobolka?

Shacabka reer Puntland oo indhaha ku haya Safarka GAAS

39e

Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan dibad iyo gudaba waxay aad u danaynayaan oo indhaha ku hayaa Safarka Madaxweyne GAAS ee Gobolka Mudug iyo inuu wax ka qabto Dhibaatooyinka la haray Gobolka Mudug.

Dad badan oo kamid ah Shacabka reer Puntland ayaan aaminsanayn inuu GAAS wax usoo kordhin karo Gobolka Mudug kana hor leexin karo ISBAARADA ku hor gudban Horumarkooda iyo Midnimadooda.

Dad badan oo iyana ka mid ah Shacabka reer Puntland ayaa aaminsan inuu Mustaqbalka Siyaasadeed ee  GAAS uu ku xiran yahay sida uu wax uga qabto Dhibaatada baaxadda wayn ee ka jirta Gobolka Mudug. Wax la dhawraaba waa GAAS iyo Kooxda GAADAYARE kan Mudug u hara!

Puntlandes.com

About The Author