GAROWE OO FARTA KU FIIQDAY SHOODHE !!!

Wasiirka Arrimaha gudaha , Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash” ayaa manta 12 Augsto 2015 si rasmiya u shaaciyey warqada ay ku qoran yihiin shuruudaha lagu soo xulayo 27 xubnood ee la filayo inay yimaadaan maalmo dabadeed kuraasta gollaha deegaanka Garowe.

 Garowe waxaa ka socota  isxodxodasho, isbahaysi, is iibsasho iyo ballanqaadyo inta badan ku saabsan tartanka Madaxtinnimada maamulka Caasimada Garowe, Madaama sida la filayo doorashada Duqa iyo Ku xigeenkiisu qabsoomi doonto Isbuucyada soo socda.

Inline images 2

Murashixinta isa soo taagay waxaa ka mid ah Madax khibrad iyo Aqoon leh xilkaas oo lagu aammini karo, Waxaana ka mid ah Dr Axmed Siciid Geele “Shoodhe” oo lagu ammaano inuu khibrad durugsan u leeyahay hogaaminta maamul iyo Ka shaqeynta Midnimada iyo Horumarka Bulshada.

Waxayna hadal haynta dadweynuhu ilaa hadda ku ag meereysaneysaa in loo dooran doono shanta sano ee soo socota maamulka magaalo madaxda Garowe Gudoomiye Ahmed Said Geele “Shoodhe” maxaa yeelay sida muuqata waa nin kaliya oo  ugu tug tug roon aqoonta dadweynuhu u leeyihiin musharaxiinta xilkaas ku tartami doonta.

Maxay tahay sababta dad badani u hadal hayaan Mr Shoodhe ?  Qiyaasteyda, oo khaldanaan karta, waxay tahay laba middood.

In jacayl iyo hilow loo qabo inuu u dhalisay guulo uu kaga kasbadey dadka , Ama in hadal hayntu ay salka ku hayso feejignaan laga qabo waxqabad xumi iyo Tayo la,aan siyaasadeed oo durba laga arkey  musharaxiinta la tartameysa Mr Shoodhe !!.

Usbuucyo gudahood ayuu “War jiraaba Garowe imaan” aan aragno ninkii golluhu doortaan duqa caasimada Puntland”.

Ilaaheey ha ka dhigo sida dadka iyo Caasimada u roon.

Waxaana jirta xikmad oronaysa “Intaanad falin ka fiirso’, ciday khusayso waxaan leeyahay intaydaa hawshan doorashada gudo galin waa muhiim inaad wax ku qiimaysaa halka shacabku farta ku fiiqayo si ay u rumowdo inaad tahay gollihii matalay Shacabkiisa.

WQ: Abshir Abdulaahi Mohamed

Garowe Puntland Soomaaliya

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author