Daawo Video: Murashaxiinta Madaxweynaha Jubbaland oo Barlamanka JL u bandhigay Barnaamijkooda Siyaasadeed

14 Agoosto 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta oo ay hal maalin inaga xigto Doorashadii  Barnaamijkooda Siyaasadeed soo bandhigay Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland kuwaasoo ka hor jeediyey Baarlamaanka Jubbaland oo Dooranaya Madaxweynaha Jubaland.

49e

Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tiradoodu tahay 4 Musharax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha iminka ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) isagoo Qudbadiisa uga hadlay wixii ay soo qabteen tan iyo intii ay xilka hayeen, wuxuuna aad uga hadlay waxqabadka dhanka amaanka, maamulka iyo dhaqaalaha.

Maalinta beri ah oo ku beegan 15ka Agoosto ayey dhici doontaa doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo ay Baarlamaanka Jubbaland Dooran doonaaan Qofka Hogaamin doona Jubaland. Waxaa la saadaalinayaa inay mar kale u dooran doonaan madaxweynaha Jubaland .madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Daawo Qudbadihii murashaxiinta




Puntlandes.com

 

About The Author