Doorashadii Kismanyo oo banaanka keentay: Yaa matela DFS ma Xasan mise?

16 Agoosto 2015 (Puntlandes) Waxaa shalay ka dhacday magaalada Kismaanyo ee Caasimada kumeelgaarka ee Jubaland Doorasho lagu Doortay madaxweynaha 4ta sano ee socota hogaamin doona Jubaland iyadoo uu Baarlamaanka Jubaland Cod aqlabiyad ah ku Doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Doorashadaas waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano fara badan oo kor u dhaafaya 50 Xildhibaan oo DFS, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFS, Wasiir kuxigeenka xanaanada Xoolaha DFS iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha DFS  iyo  Wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

Hadaba waxaa wax lala yaabo ah in intaas oo mas’uuliyiin ka socota DFS oo shirka goobjoog ka ahaa in aysan Saxaafada DFS soo tabin doorashadaas ama aysan xataa War ahaan u sheegin ama u qorin iyadoo ay dadka Soomaaliyeed Xusuustaan mudadii dheerayd ee uu TV ga DFS tooska u tabinayey Doorashadii maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Cadaado iyo buunbuunintii ay u dsameeyeen.

Hoos ka akhriso qayb ka mida Qoraal kusoo baxay Saxaafada taageerta DFS oo ku tilmaamay Xildhibaanada iyo Wasiirada intaas le’eg kuwo aan matalin DFS oo si shaqsi ah u tagay Kismanayo!!!CAJIIB

Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo waxaa ku sugnaa Xubno katirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo xildhibaano, kuwaa oo Kismaayo u tagay si shaqsi ah balse aan wakiil ka aheyn Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waa su’aale hadaysan intaas oo Xildhibaan iyo Wasiiro matali karin DFS yaa matala? Ma Wasiir Odowaa kaligii ayaa matala, maxaa yeelay markuu Cadaado joogay DFS ayaa joogtay? Mise madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligii matala DFS? Mise waa yaabe Hawiye kaligaa dawlad isu yaqaan?

169

Waxaa cad in Xasan Sheekh ku fashilmay Xilkay ummaddu u dhiibatay uuna xataa midayn waayey DFS ayna hada Qabiil u kala baxeen waxaana mas’uuliyadeeda qaadanaya Xasan Sheekh oo aan aqoon Qabyaalad iyo Cuqdada Qabiil wax aan ahayn.

About The Author