Dhagayso: Danjire Ameriko oo loo diiday Beledweyne inuu galo

16 Agoosto 2015 (Puntlandes) Amb Maxamed Cali Ameerika oo ahaan jiray Danjirihii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa shalay loo diiday inuu gudaha u galo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran.

Cali America ayaa sheegay in amarka loogu diiday inuu gudaha u galo Beledweyne uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiran.

Amb America ayaa sheegay inuu ku gudo jirro safar uu ugu magac daray “Safarka nabadda” oo uu ku kala bixinayo Gobolada dalka Soomaaliya, isagoo ka bilaabay Xamar kadibna diyaarado ku tagay Kismaanyo iyo Baydhabo hadana diyaarad ku sii tagay Caasimada Puntland ee Garowe isagoo halkaas ka bilaabay Safar dhanka lugta ah uga baxay Garowe siina maray Tuulooyin badan kuna hakaday Qardho ugana sii gidbay Bosaso kadib wuxuu kusoo noqday Garowe isagoo ka mid ahaa Wafdigii madaxweyne GAAS ee usoo kicitimay Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

45e

Amb America ayaa soodhawayn laga badiyey kala kulmay madaxweynaha Puntland, iyagoo ay Shacabka reer Puntland ay aad ula yaabeen markuu Amb America bogiisa uu ku leeyahay facebiiga uusoo dhigay qoraal uu ku leeyahay Gobolka Mudug wuxuu ka tirsan yahay maamulka aan dastuurka waafaqsanayn ee Xasan Sheekh ku dhoodhoobay Cadaado ee Galmudug.

Akhri Qoraal ka Safarkii Amb America ee Puntland inuu ku salaysnaa GAAS oo bilaabay Ololeha 2016ka: Dhaqaalihii Canshuur bixiyeyaasha Puntland oo galay campaign: ka 2016

Amb America ayaa sheegay inuu dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb.

Dhagayso Amb America


Puntlandes.com

About The Author