Daawo video: Wasiirka Amniga Puntland oo eedeeyey DFS

16 Agoosto 2015 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa DFS ku eedeeyey inaysan cadaalad ka shaqaynayn wixii magaca Soomaaliyeed lagu helana aysan si Cadaalad ah u qaybin

155j

Wasiir Qarjab oo Saxaafada la hadal Shalay ayaa sheegay inay DFS Dhaqaalihii ummadda Soomaaliyeed ku taageerayso maamul aan Sharuudii Dastuuriga ahayd aan buuxin iyadoo ka soo horjeeda wax taareego ahna aan siinin maamulada Sharuudihii buuxiyey oo ah Xubin ka mida Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa kale oo ka hadlay inay dhibaato ka abuurayaan Cadaado dad ay DFS ka keentay Xamar.

Waxaa xusid mudan in uu madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee loo doortay inuu ilaaliyo Puntland ku taageersan yahay DFS iyo dastuur ku tumashada ay wado isagoo eeganaya dano Shaqsiyadeed oo aan eegayn danaha Shacabkii Xilka u dhiibtay.

Daawo wasiir Amniga Puntland

Puntlandes.com

About The Author