Dhagayso- Galkacyo: Nabadoon Yasin Abdisamad ”Madaxweyne Somalinimo aanu ku liidano ma qaadanayno”

23 Agoosto 2015 (Puntlandes) Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mida Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa mar uu ka hadlayey Fagaare su’aalo lagu waydiinayey madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS waxa uu sheegay inay Shacabka reer Puntland ay doonayaan Soomaalinimo laakiin aysan marna aqbalayn Soomaalinimo lagu liidayo.

57a

”Ra’yiga madaxweynaha ee ah in Soomaalinimo la raadiyo waanu ku Taageersan nahay, laakiin mid aanu ku liidana QAADAN MAYNO oo naloo qabo in nalaga adkaaday wixii la rabona naloo yeeriyo” ayuu yiri Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Nabadoonka ayaa si cad ugu sheegay madaxweyne GAAS inaysan reer PUNTLAND GAYIN in la liilo laguna kor socdo, ayna taas tahay waxa Shacabku diidan yihiin, wuxuuna yiri Nabadoonka oo arrintaas ka hadlaya ”madaxweyne midaas ma GAYNO, waxaanu leenahay dawladu ka ha fiirsato”

Madaxweyne GAAS ayaa waxaa lagu bartay indho la’aanta uu u daba socda Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAM JADIID, isagoo iska TUURAY danaha Puntland iyo Shacabkeeda ayna indho tirtay Qancinta Xamar isagoo rajo ka qaba bal inuu jago ka helo 2016ka.

Waa markii u horaysay oo Nabadoon ka mida Nabadoonada Puntland oo ka hadlaya dareenka Shacabka reer Puntland uu sidaas cad meel FAGAARE ah wax ugu sheego madaxweyne GAAS oo ku caan baxay inuusan waxba maqlin tixgelina Rabitaanka Shacabka Puntland.

Dhagayso Nabadoon Yaasiin Cabdisamad madaxweyne GAAS la hadlaya


Puntlandes.com

About The Author