Akhriso-Dhagayso: Maanso la magac baxaday Gacal wada dhashoow

Akhriso-Dhagayso Maansadii la magac baxaday Gacal wada dhashoow oo uu tiriyey Abwaan Siciid  Maxamad Cali Faarax Daan

Akhriso

1 = Somaliyeey gacal baad tihiin,

= Gayaan iyo xigaal,

= Aan kala go aayn,

= Galin iyo hameen,

= Waxba yaan garnaayl,

= Qaansiyo gamuun,

= La isku guran qoryaha,

= Waxba yaan gun iyo,

= Kufaar soo gashiyo,

= Orgidaan la oran,

= Gabdhihii kufsade,

= Anagaa isgabnoo,

= Isgumadaynee,

= Garta iyo xajada,

= Loma gaysadeen,

= Gab gaab madoow,

= Gaalo iyo cadaan,

= Giyigaan lahayn,

= Gurubaan u dhalan,

= Kumaay gardi yeen,

= Garaad lawayaan,

= Baddii ma aay gateen,

= Somaali gudkiyo,

= Geed kaay is dhigtaa,

= Lagu gowracaye,

= Markaad wada gubteen,

= Calankiyo gunkii,

= Gumaystuhu miyuu,

= Idin kala gatoo,

= Ninba gobal ku xiray,

= Somaali gaf iyo,

= Khalad wada gashaye,

= Intaay gooru goor tahay,

= Is qabsada gacmaha,

= Gacal wada dhashoow,

= Gidigiin is cafiya,

2 = Markale galeey,

= Gabayada maansada,

= Galka aan kajaro,

= Aaway guurtidii,

= Gafka iyo xumaha,

= Godob iyo dakano,

= Gardarada nimcaa,

= Aaway garashadii,

= caqligii ma guray,

= Gogol maay dhigaan,

= Gubaabo iyo dagaal,

= Gobinimo miyaa,

= Guluf iyo colaad,

= Gobo lagu cartamay,

= Maxaa goray kaciyay,

= Maxaa hooyo gablantoo,

= Ilmo gobo  katiri,

= Gabalkii u dhacay,

= Gaban kaay dhashayna,

= Qabqabluhu gadtoo,

= Shalay meel ku go ay,

= Maxaa garab cas iyo,

= Gar hareedle iyo,

= Geesiyaal la cunay,

= Gulloow nogu gargaar,

= Gallad daada furan,

= Somaali gaf iyo,

= Khalad wada gashaye,

= Intaay gooru goor tahay,

= Gacal wada dhashoow,

= Is qabsada gacmaha,

= Gidigiin is cafiya,

58

Abwaan Siciid  Maxamad Cali Faarax Daan

About The Author