Jaaliyada Jubaland ee Finland oo Taageero iyo Hambalyaba u Dirtay Madaxweynaha Jubaland

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu taageerayay Doorashada Madxwaynaha Dawlada Jubaland ee Soomaaliyeed mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)ayaa Xalay  ka dhacday Magaalada Helsinki xarunta dalka Finland gaar ahaan Xarunta Qurbajoogta Putland ee Finland waxaana soo qabanqaabiyay Jaaliyada Jubaland ee Finland.

Xafladaas oo xalay ka dhacday ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan .Waxaa lagu soo bandhigay Khudbado ,Ducooyin Gabayo iyo Baraanburo .
Waxaa ugu horeen ka hadlay  gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland Mudane Deeq Cismaan Gurxan ayaa Bogaadiyay sida Midnimada iyo isjacaylka Walaalnimo leh ee ay Shacabweynaha reer Jubaland  ugu muujiyeen Codkooda iyo Rabitaankooda Doorashadii dhowaan ka  dhacday kuna doorteen Madaxweynaha Dastuuriga ah Mudane Sheekh Axmed Maxamed islaan (Sheekh Axmed Shaboobe).
Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Madaxweynaha Jubaland in uu shacabkiisa ku hago nidaam maamul Cadaaladeed xaqsoora oo u horseeda shacabweynaha Jubaland state Midnimo,Horumar.isjacayl walaalnimo,Iskaashi,nabadgalyo iyo Kobac dhaqan dhaqaale oo ay ku hilmaamaan Diiftii ay mudooyinka badan ku soo jireen,sidoo kalana sii laban laabo halgankii loogu jiray ka Tirtirida Alshabaab dhamaanba Jubooyinka .
Sidoo kale waxaa isna googbta ka hadlay Dr Xuseen Hire oo u Mahad-celiyeey dadkii Xaflada soo qaban qaabiyey  iyo intii kasoo Qayb-gashayba. Waxuuna hambalyo iyo taageero u diray madaxweynaha jubland mudane Axmed Madoobe Dr xuseen ayaa sidoo kale ka war bixiyey xaalada magaalada kismaayo oo uu dhawaan tagay iyo waxyaabihii uu ku soo arkay iyo dhamaan gobolada jubaland ka kooban tahay.
Gudoomiyaha Ku xigeenka Dalada qurba-joogta Puntland ee Finland mudane Maxamuud Cabdiraxman shiinle ayaa u hambalyeeyay Natiijadii Doorahadii Madaxweynaha Axmed Madoobe  ee ay Shacabweynaha Jubooyinka ku muujiyeen Codkooda Doorashada Madaxweynaha Jubaland State,islamarkaana kula dardaarmay Jubaland State in ay Guntiga Dhiisha iskaga dhigaan dhamaystirka hawlaha qabyada ah shiinle ayaa sidoo kale sheegay iney mar walba garab taagan yihiin walaalahooda jubaland.
Waxaan doonaynaa inaan taageero la garab-istaagno maamulka cusub ee la doortay oo u baahan inaan garbaha ka joogsano waxaa hadalkaa  yiri Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland Mudane Cabdifataax Jaamac janagale  wuxuuna kula dardaarmay dadkii goobta yimi in dalkii si iskaa wax u qabso ah dib loogu dhiso.ugu danbeyntii janagale wuxuu hambalyo iyo taageero u diray madaxweynaha jubland Mudane Axmed Maxamed Islaan  (Axmed Madoobe).
Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee Dalada Qurba-joogta Puntland ee finland Cabdulqadir Camoow oo ku dhashay magaalada kismaayo ayaa ka warbixiyey sidey ahaan jirtay magaalada iyo taariikhdii ay soo martay wuxuuna amaan iyo bogaadin usoo jeediyey Madaxweynaha Jubland axmed madoobe sidoo kale wuxuu Cabdulqaadir Camoow ka sheekeeyey halgankii uu soo maray madaxweynaha iyo sidii uu ula soo tacaalay iyo waxqabadkiisii.
Axmed Calibeto oo ah oday rugcadaa ah ayaa u hambalyeyey Madaxweynaha jubland Axmed Madoobe Axmed ayaa kula dardaarmai iney reer jubaland midoobaan oo hal ay noqdaan horumarkana meel ugu soo wada jeestaan maamulkana la taageero.
Waxaa goobta ka hadlay odayaal uu ka mid yahay  Suldaan Cabdirisaaq Dhalac oo dhowaan ka yimid magaalada kismaayo ayaa ka warbixiyey waxyaabihii iyo horumarkii uu ku soo arkay magaalada iyo sida wax loogu qaban karo .
Dhanka dumarka jubland  ayaa waxaa iyadana ka hadashay walaasheen Nasro Faarax Dable oo in mudo ahba shaqo ka waday jubaland ayaa iyadana ka warbixisay mashaariicda ay ka wadaan jubland iyo waxyaabihiin wanaagsanaa ay ka qabteen waxayna nasro jaaliyada iyo shacabka reer jubland ku dardaaratay iney gacmaha is qabsadaan isna taageeraan qof walbana wuxuu qabankaro qabto.
Gudoomiyaha Dumarka dalada qurba-joogta Puntland ee Finland Marwo Nasro Jaamac deeble ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay dhamaan shacabka reer jubland meel walba ay joogaan guushii Madaxweynaha Axmed madoobe Nasro ayaa sheegtay in Axmed madoobe qabtay howlo badan uuma mudan yahay in la doorto mar labaad waana taageersanahay ayey yiri.
Gudoomiyaha Dhalinyarada jubaland ee Finland  Sharmaarke  ayaa isagana ka hadlay doorka dhalinyaradu ku leedanahay jubaland iyo sida ay wax ugu qaban karaan iyo waxyaabaha hortaagan ayaa sheegay iney hiil iyo hooba la garab taagan yihiiin maamulka jubaland .
Xaflada dadkii ka hadlay dhamaan lama soo koobi karo intaan ka tagay haka raali ahaadaan.
 
 
Puntlandes.com

About The Author