FADEEXAD-Daawo Video: Warkii PLTV ee 20ka Agosto & kii 28ka Agosto, maxaa loola jeedaa?

29 Agoosto 2015 (Puntlandes) Warkii ka baxay TVga dawlada Puntland ee PLTV 20kii Agoosto 2015 iyo warkii ka baxay isla TVgaas 28ka Agoosto ayaa waxay ahaayeen kuwo isku mida, hoos ka daawo labadaba isna barbardhig.

62c

Hadaba maxaa loola jeedaa in war baxay 8 cisho ka hor dib hadana loo sii daayo iyadoo laga dhigayo mid maanta dhacay? Waxaa kaloo CEEB ku ah Wasaaradda Warfaafinta aadna hoos ugu dhigaysa Sumcadda PLTV in war ahaan loo siidaayo Video 8 cisho ka hor la duubay oo lagu sheegayo in la bilaabi doono Hawlgalkii dawladu ku banaynaysay Goobaha sida Sharci darada ah loo dhistay sabtidii ay bishu ahayd 21ka Agoosto.

Daawo warka ka baxay TVga dawlada Puntland ee PLTV 20kii Agoosto 2015

Warbaahinta Puntlandes ayaa qoraal ka qortay warkan ujeedada gaarka laga lahaa Akhri: (XOG) FADEEXAD-Daawo Video: GAAS & C/weli TAAR ma waxay moodeen inay Shacabka Mudug Qaldi karaan?

Waxaa iyana hubanti ah in ujeedo laga lahaa in mar kale dib looga baahiyo TVga dawladda Puntland, taasoo ku noqotay YAAB shacab reer Puntland. Waxaa la soo xiriiray Warbaahinta Puntlandes Shacab badan oo reer Puntland ah lana yaaban UJEEDADA laga lahaa, hoos ka daawo warkii Xalay ka baxay PLTV.

Daawo Warkii ka baxay TVga dawlada Puntland ee PLTV 28ka Agoosto (Shalay)

Arrintan ayaa FADEEXAD ku ah dawladda Puntland oo shaqo ka dhigatay marin habaabinta Shacabka reer Puntland iyo BEEN aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna muujinaysaa Wajiga RASMIGA ah ee GAAS!!!

Wasaaradda Warfaafinta dawladda GAAS waa inay Raaligelin ka bixisaaa qaladkan una soo bandhigtaa cida ka dambaysay iyo ujeedada laga lahaa marin habaabintan.

Puntlandes.com

 

About The Author