Dhagayso: Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde oo kashifay Qorshaha Shariif Xasan ee xil. KGS ee la xulayo & Nadaara oo u jawaabay

29 Agoosto 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde Cabdirisaaq Caweer oo waraysi siiyey idaacada BBC ayaa sheegay in madaxweynaha KGS Shariif Xasan uu u qoondeeyey 3 Xildhibaan oo kaliya Shacabka dega sadexda degmo ee Ceelberde, Aato iyo Yeed iyadoo Gobolka Bakool oo ka kooban 5 Degmo uu helay 29 Xildhibaan. Shariif Xasan ayaa wuxuu qaatay oo siiyey dadka dega labada degmo ee soo hartay 26 Xildhibaan taasoo ah BOOB aan loo meel deyin.

62d

Gudoomiye Caweer ayaa sheegay inay saxiixayaashii ay ku lahaayeen 1 qura halka ay Odoyaasha soo xulaya Xildhibaanada oo ah 41 oday ay ku leeyihiin 1 oday oo qura, taasoo aan Cadaalad ahayn.

Gudoomiye Caweer sheegay inay u dul qaadnayeen bal in maamulku dhismo wuxuuna u digay madaxweyne Shariif Xasan isagoo uga digay arrintan inay Cawaaqib xumo balaaran keeni doonto ayna dadka degaankaas ka tashan doonaan maamulka Koonfur Galbeed.

Dhagayso Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde Cabdirisaaq Caweer

Jawaabtii Nadaara

Dhanka kale waxaa BBC du ka waraysatay arrintan Afhayeenka madaxweyne Shariif Xasan Nadaara isagoo Beesha Daarood Cabashadeeda ku sheegay inaysan waxba ka jirin intaasna ku daray inay Beeshu wax ka degta Degmada Ceelbarde oo kaliya isagoo sheegay inay la degaan 3 beelood oo kale!!CAJIIB

Dhagayso Afhayeenka madaxweyne Shariif Xasan Nadaara


Madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxa uu u muuqdaa nin laga dhex shaqaysanayo isagoo fulinaya dano dad kale oo isku diray Beesha Daarood iyo maamulkiisa, waxaana muuqata inuu ku adkaysan doono go’aankiisa maxaa yeelay waa go’aan markii horeba ay lahaayeen madaxweynaha DFS iyo taageerayaashiisa!!

Puntlandes.com

 

About The Author