Daawo Video-Dhamaystiran: Shirkii Gaalkacyo oo go’aamiyay in guddi isku dhafan loo saaro soo celinta deegaanada maqan & Qodobo kale

29 Agoosto 2015 (Puntlandes) Shirkii Gaalkacyo ka socday oo ay isugu yimaadeen Bulshada rayidka Puntland iyo dawladda madaxweyne GAAS ayaa kusoo dhamaaday maanta magaaldaas iyadoo ay kasoo baxeen go’aamo.

63

Go’aamada ayaa waxaa ka mida kuwan hoose:

  • In dawladda GAAS ay bilowda Barnaamijka Dimoqraadiyeyta Puntland kana hirgeliso Puntland nidaamka Xisbiyada badan
  • In ay dawladda GAAS dhisto sida ugu dhaqsaha badan Maxkaddii Dastuuriga Puntland
  • In ay dawladda GAAS Ka shaqayso Cadaalad loo siman yahay
  • In la magacaabo Guddi Daraas ku sameeya kororka iyo xadayn la’aanta Degmooyinka iyo Gobolada Puntland
  • In si Cilmiyeysan loo Horumariyo Dhaqaalaha iyo Garsoonka dalka isla markaasna la madaxbaneeyo Xisaabiyaha Idman, la tayeeyo xafiiska Hanti dhowrka guud, la tayeeyo maamulka Maaliyadda Guud, la tayeeyo Garsoorka
  • In la magacaabo Guddi Shacab iyo dawlad loo dhan yahay oo ka hawlgala soo celinta Degaanada maqan
  • In Isimadu ay ka dhawrsoonaadaan arrimaha Siyaasada kuna ekaadaan doorkooda Dhaqan
  • Shirka ayaa garowsaday in Puntland ku Guulaysatay Himiladeedii ahaa in Soomaaliya laga dhiso Dawlad Federaal ah iyadoo gelisay Dhaqaale, Dhiig iyo Waqti.
  • Shirka ayaa garowsaday in Puntland aysan ka helin DFS Xuquuqdii ay ku lahayd uuna jiro Khilaaf u dhexeeya Puntland iyo DFS
  • Shirka wuxuu go’aamiyey in Puntland iyo DFS ay Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexeeya ku xaliyaan sida ugu dhaqsaha badan, si loogu gudbo dhisme Qaran Soomaaliyeed oo ku dhisan Cadaalad, Sinaan iyo Horumar.
  • Iyo Qodobo kale oo badan

Dhanka kale aqoonyahanada ka faalooda arrimaha Puntland ayaa si taxadar leh kusoo dhaweeyey Qodobada kasoo baxay Shirkii Gaalkacyo iyagoo sidaas u sheegay mar ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay Natiijada kasoo baxday Shirkii Gaas ee Gaalkacyo.

Waxayna ku tilmaameen Talaanadii u horaysay ee uu GAAS ku dhaqaaqo tan iyo markuu talada dalka la wareegay weeye tani.

Daawo Xiritaankii Shirka Gaalkacyo oo dhamaystiran

Puntlandes.com

About The Author