Somaliland oo qaadacday laalistii maamulka Xasan Sheekh ee Heshiishyada UAE

12 Jan 2026 (Puntlandes.com) Somaliland ayaa iyana dhankeeda qaadacday laalistii maamulka Xasan Sheekh uu laalay Heshiishyada Imaaradka Carabta (UAE) ka dhexeeya Somaliland iyo UAE.

“Dowladda Somaliland ka dib markii uu soo gaadhay war-saxaafadeed kasoo baxay waxa loogu yeedho “Dowladda” Soomaaliya, kaas oo ay ku sheeganayso in ay awood u leedahay heshiisyo la xidhiidha Berbera. Dowladda Somaliland waxa ay si cad ayay u dedafeynaysaa sheegashadaas waxba-kama-jiraanka ah.

Berbera, waa qayb ka mid ah dhulka Somaliland, mana laha Soomaaliya wax awood sharci, mid maamul, ama mid wax ku ool ah oo ay ku maamusho ama ku maamuli karto.” ayaa warsaxaafaeedka Somaliland ku tiri

About The Author