Puntland ”Go´aanka kasoo baxay DFS ee la sheegay in lagu laalay heshiisyada Mashruuca horumarinta Dekedda Bosaso & kuwa iskaashi amni ee u dhaxeeya dawladda Puntland & UAE waa waxba kama”
12 Jan 2026 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland oo warsaxaafaeed ka soo saartay go´aankii maamulka Xasan Sheekh ku laalay heshiisyadii Puntland kula jirtay dawladda Imaaraadka Carabta Puntland wayna qaadacday go´aanka Dowladda Federaalku ku laashay.
Dawladda Puntland ayaa ku sifeysey go’aanka DFS mid aan waxba ka jirin, waxna ka beddeleyn xiriirka Puntland iyo UAE, sida lagu sheegey warsaxaafadeed oo intassi ku daraya in Puntland ay mar hore hakisey wadashaqayntii ay lahayd DFS.
”Go´aanka kasoo baxay DFS ee la sheegay in lagu laalay heshiisyada Mashruuca horumarinta Dekedda Bosaso & kuwa iskaashi amni ee u dhaxeeya dawladda Puntland & UAE waa waxba kama” Dawladda Puntland
