Qayb ka mid ah waxqabadka Jaaliyada Jubaland ee Finland

Jaaliyada Jubaland  waxay u taagan tahay horumarinta shacabka kasoo jeeda Jubaland  ee ku nool dalkaan finland iyo dalka gudihiisaba gaar ahaan iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Fikirka Jaaliyada Jubaland  oo ka dhashay aqoon yahanada soomaaliyeed ee ka soo jeeda Jubaland  sida aqoonyahanka weyn ee rugcadaaga ah Dr Xuseen Hiire iyo aqoonyahanka Cumar Jaamac (Dhagaweyne). iyo aqoon yahan Deeq Cismaan Gurxan oo bartay  International Relations(Xirrirka Caalamiga) kana mid ah xisbiga SDP una shaqeeya Helsinki City  ninkan oo ah dadkii ugu horeeyey ee wadankan wax ka bartay hadana Ka shaqeeya ururada iyi sidii umada somaliyeed laysugu geyn lahaa wuxuu mar walba u taagan yahay sidii wax loogu qaban lahaa umada somaliyeed gaar ahaan jubaland.

Aas-aaskii jaaliyada dalkaan finland ayaa noqotay mid ku dayasho mudan oo midaysay aqoontii,dhaqaalihii iyo wadajirkii bulashada halkaan ku dhaqan maadaama dalkaani yahay wadan horumaray oo bulshadu wadajir kaliya ay wax kutahay halka tafaraaruqu uu dib dhigo hormarkii la gaari lahaa.

Dr Xuseen, Deeq Cismaan iyo Cumar  dhagaweyne waxay umada u horseedeen wanaag waana  fiican tahay in walalkaa lagaga daydo fikirka wanaagsan ee ah danta guud.Jaaliyada Jubaland  oo ay hogaan keeda iyo golaheeda fulintaba iyo golaha dhexaba ay yihiin dad masuul ah leh aqoon iyo khibrad shaqo gaar arimaha ururada la xariira ayaa waxay muu jiyeen wax qabad iyo firfircooni dheeraad ah taasoo xubno kamid ah jaaliyada gudoon siisay abaal marin ay mutaysteen.

Waxaa amaan mudan gudoomiyaha gudiga fulinta Mudane Deeq Cismaan Gurxan oo geed dheer iyo mid gaabanba u koray sidii dhidibada loogu taagi lahaa loona adkayn lahaa midnimada jaaliyada Jubaland loona adkayn lahaa wada jirkaa iyo isku duubnidaa taasoo uu ku guulaystay.

Sidoo kale Dr Xuseen Hiire  oo ah muwaadiniinta u taagan hormarka shacabka Jubaland dal iyo dibadba in aqoontiisa iyo waqtigiisa qaaliga uu u huro horumarintooda taasoo aan uuga hayno amaan iyo sharaf xilkasnimadaas. waxaan la ilaawi karin dhamaan gudiga fulinta iyo golaha dhexeba ee ururka sababtoo ah waa dad wada bisil oo aqoontu hogaaminayso kana fog waxa soomaali dib dhigay ee jaahilnimada ah waa dad u taagan wax qabad dhab ah tiigsanayana in dadka wax looqabto oo dadku is taageero dhan walba.

Jaaliyada halku dhiga iyo hadafku waa midnimo iyo dawlada jubaland  oo lala garabtaagnaado hiil joogta ah dal iyo dibadba anagoo maanka ku hayna sidii soomaali laysugu keeni lahaa.

Waxaa wax qabadka xoogiisa oo dhan lahaa taariikhdana kagalaya meel fiican gabdhaha reer Jubaland  ee dagan FINLAND oo hiil iyo hooba la garab istaagay sidii ay u caawin lahaayeen dadkooda halkaan dagan iyo kuwa gudaha daganba waa gabdho wadaniyiin ah oo hawl karo ah gacan bir ahna ku haya  jaaliyada jubaland ee finland runtii halkaan laguma soo koobi karo sharafkooda iyo masuulnimadooda iyo hogaamintooda toosanba.gabdhaha soomaaliyeed ee jaaliyadaha kale ee walaalaheen ah waxaan leenahay kudayda gabdhahaan.gabdhuhu siwada jir ah ayaan u sheegaynaa kuligood waa amaanan yihiin.

New Deal Copenhagen waxay kula kulmeen Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe waxay kaloo casuumad u direeen cumar cabdirashiid,Cabdi Maxamed Gaandi iyo Cabdirisaaq Fartaag waxayna la kulansiiyeen madaxda dowlada Finland  waxaad ka arki doontaan sawirada hoose waa i tusi oo i taabsii.

Mar dhow waxaan idiin soo gudbin doonaa qeybta labaad.
Wax qabadka jaaliyadaha Jubaland ee finland waxaa kamid ah.
Daawo Xafladdii Taageerada Jubaland

1- Xafladda Taageeradda Maamul Usamaynta Jubbaland ee Jaaliyadda Finland 12.11.2012kii

2.Sidoo kale  Xaflad Taageero Maamulka Jubaland Helsinki Finland 2013      https://www.youtube.com/watch?v=T5LMEQdGmSk.

3.Caleemo saarkii Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Jubaland halkan ka daawo   https://www.youtube.com/watch?v=b5rdgxw2D6o

4.  Shirweynihii seddexaad ee Jaaliyada Jubaland Halkan ka aqriso  http://somali.raxanreeb.com/2014/10/shirweynhihii-saddexaad-ee-jaaliyadda-jubbaland-oo-dalka-finland-ka-dhacay-sawirro/

5. Jaaliyada Jubaland ee Finland oo Taageero iyo Hambalyaba u Dirtay M/weynaha Jubaland  halkan ka aqriso http://www.allidamaale.com/jaaliyada-jubaland-ee-finland-oo-taageero-iyo-hambalyaba-u-dirtay-madaxweynaha-jubaland-sawiro/ wax walba waa i tus iyo i taabsii

6.Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Finland oo Hambalyo iyo Bogaadin u Diray Madaxweynaha Jubaland State halkan ka aqrisohttp://www.allidamaale.com/gudoomiyaha-jaaliyada-jubaland-ee-finland-oo-hambalyo-iyo-bogaadin-u-diray-madaxweynaha-jubaland-state-sawiro/

7.Jaaliyada Jubbaland ee Finland oo Qado Sharaf u Sameysay Xildhibaan Abdibare Yuusuf Jibriil halkan ka aqriso  http://somaliwayn.org/?p=9406











About The Author