Aamusnaanta DFS iyo Beesha caalamka iyo marinhabaabinta madaxweynaha Puntland

0

Garowe (Pes): Xasan Culusoow ayaa ku qabtay Villa Xamar, 30 kii july 2014, wax loogu yeeray ”heshiis lagu samaynayo dowlad ka kooban labo Gobol oo kala ah Mudug iyo Galgaduud

Waxaa goobjoog ka ahaa meeshaas beesha caalamka oo garwadeen ka ah siyaasada Somaliya, waxbayna ka saxiixeen.

 

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa habiinkii Khamiista ee bisha 31 dii july 2014, wuxuu ku dhawaaqay in uu jaran xiriirka awalba ahaa Qudbosireedka e eka dhaxeeyey isaga (Gaas) iyo Xasan Culusoow oo ah madaxa dowlada Xamar. Wuxuu kaloo sheegay Dr Gaas in uu ka soo horjeedo in Gobolka Mudug lagu daro Galgaduud.

 

Warbaahinta caalamiga ee Puntlandes ayaa hore u qortay in uu Dr Gaas wax ka ogaa arintan bilowgeedii ilaa dhamaankeedii ee waa culys soo wajahay iyo boor isku qarin dhawaaqii ka soo yeeray Dr Gaas. Halkan riix faahfaahin.

 

Hadaba maxay noqotay jawaabta beesha caalamka? Maxaase ka soo baxay Xasan Culusoow oo ku saabsan qaylodhaanta Gaas ee boor isku qarinta ah?

 

Beesha caalamka ilaa hada saxaafada ma soo gaarin cabasho ka timid Puntland oo ku socota beesha caalamka. Ilaa hadana wax jawaab ah kama aysan soo saarin beesha caalamku dhawaaqii Gaas. Waxa kaliya oo ka soo baxay beesha caalamka waa hambalyeyn maamulka cusub ee Mudug iyo Galguduud.

 

Dowlada Xasan na waaba is ogyihiin Dr Gaas oo waxaa iyana ka soo baxay hambalyayn, amaan iyo bogaadin ay soo direen maadaama ay Puntland u dabaaldegatso 16 guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagey.

 

Warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka heshay in Xasan Culusoow hada baxshay lacag farabadan, uuna u xilsaaray wasiirkiisa Cadaalada Faarax in uu u daadgureeyo Puntland dhamaan xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda Puntaland si dadka reer Puntland loo qaldo looga yareeyo culayska lixaadka leh ee soo foodsaaray Dr Gaas

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *