Daawo Video-FAALO:Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise oo Cambaareeyey lacagta Faalsada ee uu GAAS sameeyey

5 Sebtember 2015 (Puntlandes) Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland ay soo saarto lacago FAALSO ah, tasoo dhaaweceysa dhaqaalaha dalka, Isla markana abuureysa sicir barar ku yimaada badeecadaha Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

65d

Warsaxaafadeed soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise ayaa lagu sheegay inay tahay arrin laga xumaado in Puntland ay samayso lacago FAALSO ah.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee DFS oo si aad u wayn loogu Canaantay Puntland ayna ka muuqatay Carro XOOG badan ayaa lagu yiri sidatan “Lacag kasta oo been abuur ah waxay abuureysaa dhibaato dhaqaale, mid cadaaladeed iyo mid akhlaaqeed marka warqado been abuur ah la soo daabaco oo lagula wareego hantida xalaasha ah ee dadweynaha ama sicir barar lagu abuuro”

Bashiir Ciise ayaa waxa uu dadweynaha uga digay inaan la aqbalin lana qaadan lacagtaas been abuurka ah ee Puntland hadda laga soo saaray.

Waxaa dad badan oo ka mida Shacabka reer Puntland una dhuun daloola Lacagaha FAALSADA ee dalkii Soomaaliya la isku oran jiray lagu sameeyo ama lasoo galiyo ayaa waxay aad ula yaabeen hadalkaan kasoo baxay Guddoomiye Bashiir Ciise oo aan ahayn mid Cadaalad ah maadaama meelo badan oo ka mida Soomaaliya lagu Daabaco LACAGAHA FAALSADA sida Xamar iyo CADAADO.

Muxuu Guddoomiye Bashiir Ciise uga hadli waayey CADAADO? Waxay tani u egtahay in Bashiir laga dhex hadlayo uuna ku hadlayo Afka Xasan Sheekh. Waligii kamuu hadlin arrimahan iyo Musuqmaasuqa baahsan ee Xamar ka socda!!!!

Daawo Guddoomiye Bashiir Ciise

Puntlandes.com

About The Author