Sawiro: Arday ka qalin jabisay Jamacadda Rift Valley University oo ku taal Dirirdhabe ee dalka Itoobiya

5 Sebtember 2015 (Puntlandes) Arday  ka socotay Degmooyinka Gallaadi , Bookh iyo Centarka Qalloocan ee Gobolka Doollo  ayaa ka qalinjabisay Jamacadda Rift Valley University oo ku daal Dirirdhabe, ee dalka Itoobiya..

Ardayda ka qalinjabisay   Jamacadda Rift Valley University  oo ku taal Dirirdhabe   ayaa kala ahaa:

1. Dahir Mohamed hussein (Dahir uways), oo bartay: Department  sociology and social anthropology

2 Fahad muuse jaalle oo bartay: Sociology and  social anthropology

3 .Siciido maxamuud oo baratay:  Public health

4.Ayaanle macalin buley oo bartay: Public health

5 . Najiib jowle oo bartay: Public health

6,Axmed nuur Yusuf  cali guure oo bartay: Nursing

7, Maxamed cabdulaahi faratoon Bs oo bartay: Nursing  Lucy university college

8, .Axmed Xasan bulays  oo bartay: Arts university college.  Bs nursing

.9, Cabdinaasir shiikh Yusuf oo bartay: Lucy university college  computer science

10,.Abdifitaax aadan dheere oo bartay: Public management  diredawa university.

Hormar weyn ayaa ka jiray  dhanka waxbarashada  shantii sanno ee ugu dambeysay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,  waxaana sii kordhaaya  ardayda ka qalib jabinaysa  Jamacadaha ku yaal  Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo dugsiyada sarre..

Waxaa waayahaan dambe dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ka socday hormar aad u lixaad weyn iyo dadaalo ay wadaan xukumadda uu hogaamiyo Cabdi Maxmuud Cumar, iyo xisbiga Xisbiga Dimuqraadiga, Shacbiga Soomaalida Itoobiy, (XDSSI), waxaana jira barnaamijyo loogu magac daray dib u curashada, dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo hora loo soconaya, laguna doonaayo in lagu hormariyo deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ardaydii  ka qalinjabisay (Rift Valley University)  oo ku daal (Dirirdhabe)  ayaa sheegay inay aad  ugu faraxsan yihiin heerka aqooneed ee ay gareen waxana ballan qadeen inay sii wadan doonaan waxbarashadood , sidookale  waxay dhalinta Soomaaliyeed  gaar ahaana  Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  ugu baqeen  inay ku dadalaan siday wax  u baran lahayeen  loogana gudbi lahaa jahliga iyo aqoon darada ka jirta dhulka Soomaalidu degto ee Geska Africa.

Daawo sawiro

68b

68c

68d

68e

68f
Puntlandes.com

About The Author