Daawo Video-Cadayn: Waxqabadka Gaas! waa, war illeen Ceeb Looma dhinto

1680

5 Sebtember 2015 (Puntlandes) Todobaadkii tagay dabayaaqadiisii waxaa PLTV warkiisii lagu soo qaatay, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS oo booqanaya Galdogob, Bursaalax iyo Beyra. Waxaa wax lala yaabo noqotay in uu af-hayeenka xukuumada GAAS waraysi ku bixiyey ku shegay in uu GAAS (Madaxweynuhu) u yimid degmeda Galdogob in uu xarigga ka jaro Mashaariicdii uu balan qaaday safarkiisii hore, hoos ka daawo hadalka Af-hayeenka GAAS.

Xagee buu furay GAAS? Xagee buuse booqday?

Isbitaal Hooyada iyo Dhalaanka oo ay dadka deegaanku xoolohooda ku dhisteen. Waxaa taas kasii qosol badnayd markuu wariyuhu raaciyey in xukuumaddaani tahay middii ugu wax qabadka badnayd!!!!! hoos ka daawo,

Wuxuu booqday Isbitaal ay gacanta ku hayso Bisha Cas, oo MSF gacan ka heleysa. Waxaa taas kasii darnayd markii gabadhii maamulaha ka ahayd isbitaalku, markay hadlaysey ay mar walba isticmaalaysey, illen dheh baa layiri, erayga  “tani  waxay tusaale u tahay, wax qabadkaagii. Xataa gabadhii baa inta xishootay tiri calashaan soo dhaweyntaada!! Illeen waxaa is qaban waayey daawada waxaa bixisa MSF, mushaarka waxaa bixisa hay addaas kale, middaas kale Solar bay noogu xirtay iyo addigaa wax qabtaye. Waxaa kasii darayd sida  isna uu gawsaha  danbe uga dhoolo caddaynayey illeen Faan jacayl baa derderaye.

Waxaa taas kasii darnayn markuu af-hayeenka xukuumada GAAS sheegay inuu Bursaalax  GAAS u aadayo si uu uga soo furo Mashaariic uu Safarkiisii hire balan qaaday ayna Xukuumaddiisu Fulisay oo la dhamays tiray?????!!!!!!.

Sheekada Gaas waxay hadda maraysaa inta wax kale soo dhaaftay,  WAR ILLEEN CEEB LOOMA DHINTO!.

About The Author