Wax ka ogow Awooda uu ku leeyahay Madaxtooyada GAAS Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil?

6 Sebtember 2015 (Puntlandes)  Madaxweynaha Puntland markuu xilka ku Guulaystay 08 2014 waxa uu xilal badan u magacaabay Kooxdiisii ”Isbedeldoonka” oo ay u badnaayeen Dhalinyaro Qurbaha Shaqo la’aan ku ahaa oo uu GAAS u abuuray shaqo.

70aa
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Dhalinyaradaas waxaa xagga GAAS loogu kala qiimo badnaa sida loo kala ”GUULWADAYSNAA”, waxaana nin aad u muuqday xagga GAAS ahaa Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Tiriyey miraha iskuna dubariday oo sameeyey HEES aad usoo jiidatay GAAS oo la magac baxday ”Taageer Cabdiweli GAAS”, taasoo uu Abwaanku sameeyey bilowgii hore ee Ololaha doorashada madaxtinimada Puntland, hoos ka daawo Heestii GAAS soo jiidatay oo uu Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ku helay KALSOONIDA madaxweyne GAAS.

Intaas kuma ekaane Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu sameeyey heeso kale oo uu ku amaanayo Prof Dr GAAS.Intaas ka dib GAAS waxa uu u magacaabay Agaasimaha xafiiska warfaafinta iyo Hidaha iyo dhaqanka madaxtooyada dowladda Puntland horey uma uusan jirin Xafiiskani wuxuu ka mid yahay xafiisyo Cusub oo uu GAAS sameeyey si uu Shaqo ugu abuuro Dhalinyaro Qurbaha shaqo la’aan ku ahaa maadaama aysan kartideed iyo aqoonteed midna lahayn.

Hoos ka doowo Hees iyana GAAS uu la dhacay lana magac baxday “Hobeeya Puntland waataa hagaagtee” (GAAS ayaa intuu JIDBOODAY boodbooday!!!!

Awooda Abwaan Cabdirashiid ee Madaxtooyada GAAS

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu ku leeyahay awood aad baaxad wayn, oo waxa kaliya ee uu ku helayna aysan ahayn SHARCI ee ay tahay GUULWADAYN (Heesaha Amaanta GAAS). Wuxuu u raacaa Safar kasta oo uu madaxweyne GAAS ku baxayo, waxaa gacantiisa oo kaliya ku jirta oo uu  maamulaa war kasta oo kasoo baxaya Madaxtooyada, xataa sawir uusan isagu  ogayn kama qaadan karto Saxaafadu.

Saxaafadu waxay ka noqotay Madaxtooyada Puntland dibadjoog waxa Saxaafada soo gaaraana waa wax Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil kaliya kasoo baxay.

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qariyey doorkii PLTV

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Filim uusan ka duubin Madaxtooyada oo uusan u ogolaan TV ga dawlada Puntland xataa ma heli karo!!CAJIIM. Isagoo si Shaqsi ah meelo uu u leeyahay ugu daabaca Videowyaasha Madaxtooyada kasoo baxa. Akhriste ogow hada Website ay Madaxtooyadu leedahay iyo mid ay dawlada Puntland leedahay midna kuma uu soo daabaco ee waxa uu ku daabacaa mid uu isagu si shaqsi ah u leeyahay!!!!!

70a

Waxa wax lala yaabo ah in uu leeyahay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil koonto Youtube ah oo isagu si shaqsi ah uu u leeyahay,  eeg sawirada. Waxaa uu soo dhigaa Videowyo aan PLTV soo daynin. Sidee ayey ku dhacday lacagtii CANSHUURTA ummadda reer Puntland inuu GAAS ogolaado in Shaqsi uu isagu soo saaro yiraahdana Websitekayga iyo Youtube kayga ha laga qaato?

70c

 

70f

Hab dhaqanka Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu u dhaqmaa si aan Baratakool dawladnimo ahayn isagoo isku halayn ka haysta GAAS, hoos ka daawo sawiro ku saabsan Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo Koofiyad uu watay Wasiirka Degaanka iyo Duurjoogta Puntland Cali Cabdllaahi Warsame ka qaaday isagoo u diiday inuu xirto madaxweynaha iyo dad aad u fara badan hortooda!!!CAJIIB war ninku muxuu ismooday? Awooda intaas le’egna ma GUULWADAYN iyo Durbaan garaac ayuu ku helay?

70d

70e
GAAS oo daawade ka ah Wasiirkiisii oo hortiisa uu Abwaan C/Rashiid ku xadgudbayo!!
70b
Madaxweyne GAAS oo daawade ka ah Wasiirkiisii oo hortiisa uu Abwaan C/Rashiid ku xadgudbayo!!

Ugu dambayntii CEEB ayey ku tahay dawladnimada Puntland habka FOOSHA xun ee uu u dhaqmayo Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, haddii uusan GAAS wax ka qabana isagay Shacabku kula Xisaabtamayaan oo mas’uul ka ah Wiilkani waxa uu ku dhaqmayo. Madaxtooyadii Puntland waxay la hayste u tahay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil  mana ahan wax la aqbali karo.

Puntlandes.com

About The Author