Muuqaal: Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo weerar afka ah kuqaaday Garaad Jaamac Garaad Cali
05 Aug 2026 (Puntland.com) Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo weerar afka ah kuqaaday Garaad Jaamac Garaad Cali “Calankii SSC wuxuu ahaa calan Dhulbahante, markaan runta idiin sheego. Reer walibana calan ayuu leeyahay. Fiqishini calankaa muu lahayn, reeraha kale sida Warsangeli iyo reeraha kalena may lahayn calankan, ee Dhulbahante ayaa lahaa calanka SSC.
Calanka hore haddaynu tuurta ku qaadanno, markaa waxa weeye dawlad ma rabno oo cid kale ayaynu u shaqaynaynaa. Ninkii ka hor imanaya waxa dadkani u dhinteenow, adaa ka jawaabiye, kaalay. Dawladdaada aamin waan ogahay anigu, waliba.
Nin rag ah waxaan u aqaannaa ka jooga ee aan ka cararin halkan. Guruubka kale wuxuu doonayaa Waqooyi Bari inay burburto oo ay cid kale keenaan. Markay taasi timaaddo, nin carara looma baahna. Nin hadhow intuu cararo karinta ka dhaco oo uu midnimada ka horyimaaddo, marka la is galana buurta ka boodo, dee adeer, yeeli mayno”