Dhagayso- Garoowe: Ciidamo ka Gadooday Maushahaar la’aan

13 Sep 2015 (Puntlandes)  Maanta ayaa waxaa gadood sameeyey Ciidan ku xeraysan Xerada 54aad ee Caasidda Puntland ee Garowe. Ciidankaas ayaa xiray Albaabka hore ee xerada waxayna kor u Rideen Rasaas fara badan oo u badan kuwa waawayn taasoo laga maqlayey dhamaan magaalada Garowe oo dhan.

64b

Korneyl Maxamuud Cali Xirsi Cartan oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegtay in uu yahay taliyaha gaarka ah ee ciidanka gadoodka sameeyey uuna ciidanka maqan yahay mushaar ah 28 billood, isagoo rasaasta faraha badana ku sheegay in ay ahayd mid ay ku muujinayeen cabashadooda ah in mushaarkooda la siiniyo.

Ma ah markii ugu horreysay oo ciidamo Puntland ka tirsan ay gadood sameeyaan, iyadoo dhowr maalmood ka hor ay ahayd markii magaalada Boosaaso ciidan gadood ka sameeyey oo ka cabanayey mushaar la’aan ay xireen qeybo ka mid ah wadooyinka laga soo galo magaalada Boosaaso.

Dhagayso Korneyl Maxamuud Cali Xirsi Cartan


Puntlandes.com

About The Author