Shirka Muqdisho iyo Madaxda Soomaalida

Maalinta oo ku beegan 20, sebtembar 2015, magaalada Xamar waxaa ka furmaya shir loogu magac daray shirka wadatashiga, doorashada 2016,

Shirka waxaa ka soo qeyb galaya maamul gobolleedyadda ka jira soomaaliya, marka laga reebo Somalind oo sheegata gooni isu taag..

Shirka Xamar, uga farmaaya xukumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxwayneyaasha dawladdaha xubnaha ka ah dawaladda federalka, waxaa isku arkaya maamulo aan is aqoonsaneyn, madaxwaynaha Puntland Cabdiwali M,Cali Gaas  ayaa  muqdisho  soo gaaray..

Madaxwaynaha maamulka kumeel gaarka ee Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa asana ka qeyb galaya shirka  Gaas iyo Guuleed, oo darisa  wada shaqayn kama dhaxayso  gaasana ma aqoonsana maamulka  Gal-mudug..

Madaxwaynaha. Tageeradda dawladdaha dariskaa haysta Axmad Madoobe, oo aysan aqoonsanayn Barlamaanka Soomaaliya intooda badan ayaa asana ka qeyb galaya shirka, looga arrin sanaayo, aayaha soomaaliya ee 2016,ka..

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa khilaaf dhanka saxaafadda wuxuu kala dhexeyaa dawladda federalka waxayna isku maan dhaafsan yihiin dhawr qodob, oo ay ugu horayso qodobo kamida dastuurka qabyo qoraalka oo Puntland aad uga soo hor jeedo, iyo maamulka Galmudug, oo Puntland ka soo horjeensatay kadib markii dastuurka Galmudug lagu qoray Gal-gaduud iyo Mudug.

Si kastaba ha ahaatee waxaa shacabka soomaaliyeed sugayaan waxa ka soo  bixi doona  shirkaas oo ay ay gadaal ka riixayso beesha caalamka dadka siyaasadda Soomaaliya falanqeeya ayaa u arka in madaxada soomaalida an xiriir fiican ka dhexayn  intooda badana ay is khilaafsan yihiin.

 

Ugu dambayntiina mustaqablka shacabka soomaliyeed ayaa gacanta ugu jira hoggaamiyayaal, ku loolammaya siyaasadda dalka soomaaliya  inkastoo ay   saadaasho  wanaagsan tahay  haddana    siyasiinta Soomalida  dantooda ayaa kala wayn danta dadka iyo Dalka  Soomaaliyeed..

21

Midnimadu waa guul

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye  arrimaha bulshada

About The Author