GAAS & Axmed Madoobe oo isaga baxday shirka Xamar

20 Sep 2015 (Puntlandes) Wafdigii Puntland ee uu hoggaaminayay madaxwayne Cabdiweli Cali GAAS ayaa isaga baxay shirka ka socda magaalada xamar ee xarunta Gobolka Banaadir, sababta ay GAAS uga baxay Shirka ayaa lagu sheegayo inuu diiday inuu hor fariisato mamulka aan waafaqsanayn Dastuurka ee ay Kooxda DAMUL JADIID ku dhoodhoobtay Degmada CADAADO kaasoo ah sharci daro.

85c

Waxaa iyana ka baxay Shirka Xamar Wafdigii Jubbaland ee shirka ka qayb iyagoo iyana uga baxay arrimo la xariira Dastuurka dalka. Xasan Shiikh oo diiday inuu u aqoonsado Jubaland inay ka baxday kumeel gaarkii isagoo SHARUUD uga dhigay in la Aqoonsada maamulka aan Sharciga Waafaqsanayn ee CADAADO.

Beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii xal loogu heli lahaa khilaafka taagan ayna shirka dib ugu soo noqon lahaayeen Puntland iyo Jubaland.

Puntlandes.com

About The Author