Akhriso: Qoraalka kasoo baxay Shirka Golaha Sare ee Barnaamijka horumarinta Bulshada Bursaalax

 

Waxaa 9kii ilaa 11kii bishan September shir ku yeeshay Bursaalax xubnaha golaha sare ee barnaamijka horumarinta Bursaalax. Shirkaas oo ahaa kii lix biloodlaha ahaa ayaa waxaa kasoo qaybgalay 6 xubnood oo kamid ah golaha.

85d

Qodobada shirka looga hadlayay ayaa kala ahaa:

  1. Iswaraysi iyo kormeer
  2. Xisaabxirka sanadkii tegay iyo dejinta miisaaniyada sanadka cusub
  3. Dejinta Qorshaha sanadlaha ah
  4. Go’aamo Goluhu uu qaatay

1  Iswaraysi iyo kormeer

  • Waxay goluhu warbixin kadhegaysteen maamulaha Mashruuca Cabdrishiid Faarax Geele iyo maamulayaasha waaxyaha mashruuca
  • Waxay kormeer ku sameeyeen dhamaan qaybaha mashruuca iyo wixii isbadal ahaa oo la sameeyay mudadii u dhaxay labada kulan
  • Waxay la kulmeen shaqaalaha mashruuca guud ahaan iyagoo dhegaystay araahdooda iyo baahiyahooda
  • Waxay si dhab usoo ogaadeen baahida mashruuca guud ahaan.

2  Xisaabxirka sanadkii tegay iyo dejinta miisaaniyada sanadka cusub

  • Waxaa goluhu fiiriyeen dhamaan xisaabxiradii sanadkii tegay
  • Waxay warbixin kadhegaysteen xubin madaxbanaan oo ay u xilsaareen inay mudo 3 bilood ah baarto nidaamka xisaabaadka mashruuca keentana warbixin dhab ah iyo talooyin.
  • Waxay goluhu sameeyeen siyaasada lacagta ee mashruuca
  • Waxay goluhu ablaableeyeen miisaaniyada mashruuca
  • Waxay goluhu guud ahaan fikir ka qaateen xaalada guud ee xisaabaadka iyo nidaamka maaliyadeed ee mashruuca

3  Dejinta qorshaha sanadlaha ah

Kadib falanqayn dheer iyo baaritaan lagu sameeyay baahida mashruuca ayay goluhu dejiyeen qorshaha horumarineed ee sanadlaha ah ee mashruuca. Qorsahaan waxuu u baahanyahay taageero uga baahanyahay dhamaan caawiyayaasha mashruuca. Qorshaha Waxaana loo dhigay sida hoos kuqoran:

Qorshaha Barnaamijka Horumarinta Bulshada Bursaalax ee Sanadkan soo socota

  1. Waaxda Collegeka gaar ahaan jiifka
  • Soo iibinta mashiinka alxanka
  1. Waaxda Biyaha
  • Diiwaangelinta iyo number siinta guryaha
  • Balaanrinta biyagelinta guryaha
  • Xafiis u sameeynta waaxda biyaha
  • Isku xirka Labada ceel
  • Dib u habaynta tuubada wayn ee biyaha gaysa magaalada
  • Keenida qalabka ka dhiman shaqaalaha waaxda biya gelinta
  1. Waaxda Maamulka iyo Maaliyada
  • Dejinta miisaaniyad sanadeeda mashruuca
  • isticmaalka habka casriga ah ee xisaabaadka ee quickbooks
  • dejinta siyaasadaha maamul ee mashruuca
  • Financial Policy
  • HR Policy
  • Kordhinta Dakhliga Mashruuca Gaalkacayo (Gaaciye, Bishaar, Xirsi iyo Cabaas) Boosaaso (Cabdifitaax) iyo Garorwe (Xuseen)
  • dhimida daymaha lagu leeyahay mashruuca 50%
  • Diyaarinta Warbixinta xisaabaad bile ah iyo ugudbinta
  • in Mushaarka shaqaalaha lasiiyo waqtigii loo asteeyay
  1. Waaxda Xiriirka bulshada
  • Samaynta website iyo social network mashruucu leeyahay oo shaqeeya
  • In lahelo liiska deeqbixyaasha Mashruuca dal iyo dibadba
  • In la isticmaalo saxaafada gudaha iyo dibada
  • In ardayda deeqo waxbarasho looga raadiyo shirkadaha iyo goobaha ganacsi ee degan Bursaalax.
  • In laraadiyo idaacad
  1. Waaxda Isbitaalka
  • Isku xirka Isbitaalka iyo Bulshada
  • Olole caafimaad oo laga sameeyo magaalada sida talaal, baaritaan lacag la’aan ah iwm
  1. Waaxda Dugsiga sare
  • Kala saarida xafiiska maamulka iyo shaqaalaha Dugsiga Sare
  • In laga shaqeeyo sidii ardaydu ku helilahaayeen Bus
  • Dabagalka balanqaadyadii Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali M. Gaas
  • In la taabageliyo helida buugaag ku filan ardayda
  • Ugu yaraan hal tababar in loo sameeyo macalimiinta
  • Inuu kamid noqdo 10ka iskuul ee ugu sareeysa Puntland iyadoo la samaynayo deegaankii ku haboonaa arintaas oo lamarayo macalimiin fiican, buugaag iyo adeegii kale ee Muhiim ah.
  • In Scholarship loo raadiyo ardayda ka baxda mashruuca
  1. Waaxda Dugsiga Hoose Dhexe

2

  • Dayactirka Dugsiga Hoose Dhexe
  • Dayactir in lagu sameeyo qaybta jabtay ee darbiga wayn dhinaca isbartiinka
  • In la raadiyo mini bus ardayda geeya iskuulka
  • In xayaysiis loo sameeyo iskuulka
  • In kor loo qaado Dugsiga Hoose Dhexe
  1. Waaxda Diinta
  • In laqabto laba tartan mid sare iyo Hoose sanadkii
  • in la bilaabo kitaabo diini ah
  • in Xafiis loo sameeyo Waaxda Diinta
  1. Waaxda Dhulka
  • Xal uraadinta dhulka la haysto

4  Go’aamo Goluhu uu qaatay oo maamulka ku saabsan

Si loo dardargeliyo shaqada korna loogu qaado hufnaanta iyo kalsoonida daneeyayaasha Mashruuca waxuu Goluhu qaatay go’aamada soo socda:

  1. Waxuu goluhu buuxiyay xubintii ka baxday Golaha Allaha u naxariistee Salaad Daahir, waxuuna Goluhu soo jeediyay in xubintaas lagu badalo Ismaaciil Salaad Daahir oo ah aqoon yahan wax kusoo biirinkara Mashruuca.
  2. Waxaa Goluhu markuu arkay baahida dhaqaale ee Mashruuca iyo sicirka aan macquulka ahayn ee collegeka kordhiyay lacagta ardayda collegeka iyadoo lagu daray $15 qofkiiba
  3. Waxaa Goluhu sanad u kordhiyay heshiiska Mareeyaha Mashruuca Cabdirashiid Faarax Geele
  4. Waxaa Goluhu gudoomiye kuxigeen kowaad u doortay Shiikhuna Shiikh Khaliif halka gudoomiye kuxigeen labaadna u doortay Xirsi Caynab.
  5. Waxuu goluhu magacaabay Xisaabiyaha Mashruuca oo u magacaabay Cabduqaadir Faarax Garaase.
  6. Waxa uu Goluhu Deeq Cabdulaahi Shiikhdoon u magacaabay Maamule kuxigeenka Mashruuca ahna Maamulaha Waaxda Biyaha.
  7. Waxaa Goluhu qaatay in dacwo laga diyaariyo dhulka lagu kuhabsaday loona gudbiyo cid kasta oo ay qusaysa.

 

Gabagabo

Goluhu waxa u mahadcelinayaa sida fiican ee ay maamulku mashruucu u fuliyeen shaqooyinkii loo idmaday ee Mashruuca. Waxaa sidoo kale Goluhu u mahadcelinayaa jaaliyadaha dibada ee aadka isugu hawla caawinta Mashruuca.

Ugu danbayntii waxaan ka codsanaynaa daneeyayaasha mashruuca ee Ilaahay dartii u taageera Mashruucan inaysan ka daalin caawinta Mashruuca iyado isdabaraacin uun ay ka dhimantahay.

Allaa Mahad leh,

Kaqaybgalayaasha

  1. Cabdifitaax Maxamed Sugule
  2. Xirisi Caynab
  3. Xuseen Xaraf Jaamac
  4. Maxamed Gaaciye Nuur
  5. Cabaas Cali Kacaan
  6. Bishaar Maxamed Caabi

About The Author