WAR DEG DEG AH-Video: Ugu yaraan 453 qof oo ku dhintay Hajka kadib isbuurasho

24 Sep 2015 (Puntlandes) War hada soo gaaray Warbaahnta Puntlandes ayaa sheegaya inay ugu yaraan 453 qof ku dhinteen iyadoo dad ku dhow 719 qofna ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay isbuurteen ama isjiireen.

Dawladda Sacuudiga ayaa waxay hawl gelisay oo dadka caawinaya 4,000 shaqaale dadka caawiya iyo 220 Ambalaasyo iyo waloiba Gaadiid kale si ay u caawiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay.

Meesha ay dadku isku jiireen ayaa ah Dhagax tuurka.

Wixii war ah oo kasoo kordha kala soco Warbaahnta Puntlandes

About The Author