Wefdigii Madaxweynaha Puntland hogaaminayay C/weli Gaas ee Boorsooyinka jiidinayay ayaa markii ugu dambeeyay lagu sheegay iyagoo Muqdisho ku suggan oo Boorsoon jiidanaya.

88c
Muddo 5-Maalmood ah ayay Wefdigaan iska fadhiyaan Muqdisho,iyadoo aan la aqoon sababta Deegaanadii ay ka yimaadeen ee Puntland uga maqan-yihiin,taasoo la yaab iyo amaag ku noqotay Shacabka Puntland.

84b
Wefdigaan oo markii hore lagula taliyay inaysan is-ceebeyn oo sharafta iska qaadin,kana joogaan safarkii ay Muqdisho ku tagayeen,ayaa iyagoo ka maqan kulankii khiyaanadda ahaa ee Damjadiid soo abaabushay,waxaa la iska soo saartay War-Murtiyeed lagu xusay inay kulanka goob-joog ahaayeen,xili ay banaanka ka joogaan.
Puntland waxay u badan-tahay inay god iyo bohol-dheer ku dhacdo,hadii aan hangool la isaga qaban  siyaasad xumadda Madaxweyne C/weli Gaas oo diiday taladii  Xildhibaanadda Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Saciid Xasan Shire(Xafidahullahi)oo talo ku siiyeen,Kooxda beenta badan ee Damjadiid inaysan waqti ku lumin.

84a

Gaas oo indhaha birig-birig ka siinaya ayaa hadda Muqdisho marba gidaar isku qaadaya,kadib markii uu wiishka ku yeeray,ogaadayna Damjadiid inaysan balan iyo axdi laheyn,inkastoo aan ku faraxsanahay inuu ka sal-gaaro beenta iyo khiyaanadda Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Reysalwasaare CCC Sharmaarke oo isaga waqtigan  loo adeegsanayo dhabar-jabinta Puntland,wuxuuna fiirsanayaan dantiisa gaar-ahaaneed,isagoo lagula heshiiyay muddo 2-sanno ah xilka Reysalwasaaraha in loo kordhin-doono,hadii uu ku guuleysto dabinka iyo shabaqa looga takhalusayo Puntland oo markan laga faa*ideysanayo,shaqsi Soomaalinimadda ay ku weyn-tahay inuu Puntland Madaxweyne ka noqday,iskana hilmaamay dantii Shacabkiisa inta uu ku mashquuli-lahaa,inuu waqti ku lumiyo Dad Caasimadii Muqdisho afduub ku heysato oo aan haba yaraatee aysan dantoodda ku jirin Soomaali Dadkii la oran-jiray ee kala irdhoobay inay dib isugu soo laabtaan Dawladnimana wada dhistaan.

Waxaa is-weydiin mudan?marba hadii Wefdigii Boorsooyinka jiidanayay sidii inay Muqdisho u tahriibayaan ee Gaas hogaaminayay,lagu bahdilay War-Murtiyeedkii lagu been-abuurtay magacoodiii,sababta ay weli  muddo 5-maalmood ah uga maqan-yihiin Deeganadoodii,iyadoo weliba beri ay tahay Ciidii Carafo lana filayay Madaxweynaha Puntland inuu Salaadda Ciidda Carafo Shacabkiisa la Tukanayo.

87d

Tooshka Wareega ee Sh-Media,qeybta(Kaftan Siyaasadeedka)ayaa xog ku heshay Madaxweyne Xasan Culusoow Dubai inuu kala soo xiriiray Gaas kuna wargeliyay inuu Sariirtiisii Madaxtooyadda Villa-Soomaaliya sii seexdo,inta uu ka soo laabanayo Tacsidii Curadka Sheekha Dubai ee Madaxweynaha uu ka qeyb-galayay,waxaana arintaas loo fasiran-karaa,mar 2-aad in la bahdilay Gaas,marka koowaad waxaa lagu bahdilay,Warmurtiyeed qoraalkiisa uusan ka warheyn,ayaa isagoo nool lagu been-abuurtay,waa marka labaadee,isagoo ay hawlo badan Puntland laga sugayo,ayaa lagu maaweeliyay inuu suggo Madaxweynaha inta uu Tacsidda ka soo laabanayana sii seexdo Sariitiisa Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Waxaan Kaftan-Siyaasadeedkayga ku soo khatimaayaa,Gaasoow adigana karaamadii baad iska qaaday,Shacabkaagiina karaamadii ayaa ka qaaday,fadlan waqti ha ku lumin Soomaalinimo inaad raadisay,waayo Soomaali waxay kala dhimatay markii Caasimadeenii Muqdisho ay Qolo khaas ah afduubatay,si ay xilka Madaxweynaha ugu raadsato,kana samir Gaasoow inaad Madaxweyne Soomaaliyeed noqoto,50-sanno ee soo socota Qoladda Caasilmadda Muqdisho afduubka ku heyasto ayaa xilka Madaxweynaha ku habsatay ee 5-maalmood ka badan Shacabkaagii Puntland kuuma dul-qaadan karaan adiga iyo Wasiiradaadii Boorsooyinka jiidanayay ee Muqdisho ku suggan Deegaanadiinii ku soo laabta iskana hilmaama raadinta Soomaali dadkii la oran-jiray oo ay adag-tahay in la isku keeno inta Caasimadda Muqdisho afduubka lagu heysto si xil Madaxweynanimo loogu gor-gortamo.

Xigasho: shacabkamedia.com

About The Author