Maamulka Xasan Sheekh ee mudo xileedkoodu dhamaaday oo looga yeeray Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ee EACJ
21 Nov 2026 (Puntland.com) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee mudo xileedkoodu dhamaaday ayaa looga yeeray Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ee EACJ, ka dib dacwad ay ka gudbiyeen Baashe Yuusuf & Garsoorayaal kale oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee JFS.
Lix ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, oo uu ku jiro Baashe Yuusuf Axmed, ayaa dacwad ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbiyay Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika, taas oo aqbashay dacwadda.
Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haysta muddo 45 maalmood ah inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan dacwadda.
Garsoorayaasha Soomaalida ayaa sheegey in dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday, iyagoo wax kama jiraanna ka dhigay dastuurka & doorashooyinka DFS.
