Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo qoraal kufaray Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee BJFS inay u hogaansamaan in xukunkii Maxkamadda
23 Nov 2026 (Puntland.com) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ww Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed oo qoraal u diray Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS ku faray inay u hogaansamaan in xukunkii Maxkamadda ee ahaa muddo xileedkoodu dhamaaday.
“waxaan warqad rasmi ah u diray Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku boorriyay inay u hoggaansamaan Dastuurka, sharciyada dalka iyo xukunka Maxkamadda Sare ee 5 Nofeembar 2026 (MS/DST/1/2026).
Maxkamadda Sare waxay go’aamisay in muddo-xileedka labada Aqal uu dhammaaday 14 Abriil 2026. Waxay kale oo go’aamisay in tallaabo kasta oo awood baarlamaani ah oo la qaaday taariikhdaas kaddib aysan lahayn saamayn sharci.
Waxaan Guddoomiyeyaasha xusuusiyay in aan la ixtiraamin Dastuurkeenna iyo xukunnada maxkamaduhu ay tahay khalad dastuuri ah, sharci ah iyo mid akhlaaqeed iyo in ay waajib tahay u hoggaansanka xukunka Maxkamaddu.” guddoomiye Baashye

