Baarlamaanka Puntland oo diiday ansixinta wax kabedelka Dastuurka, oo horseedi lahaa qabashada doorasho qof & cod ah 2029ka

1a1a1

23 Nov 2026 (Puntland.com) Baarlamaanka Puntland ayaa diiday ansixinta wax kabedelka Dastuurka, oo horseedi lahaa qabashada doorasho qof iyo cod ah 2029ka, ay ku yimaadan golaha wakiilada oo ay shacabka doortaan.

58 xildhibaan ayaa fadhiga xaadirtay, 40 ayaa u codeysay wax kabedelka Dastuurka, 16 ayaa diiday 13 kasoo jeedaan Sool iyo Cayn, 1 Mudug ah iyo 1 Barri ah, kuwaas oo deegaanadooda aan kuqabin rajo ah in Seejooyin la geyn karro ama ka soo bixi karaan, 2 waa ka aamustay.

Ansixinta ayaa u baahnayd 44 cod, waxayna Tani ka dhigan tahay in fadhiga dambe u dhici doonto, tan oo waji hor leh galinaysa Doorashada Puntland ee 2029ka, oo ay wali kooxo doonayaan in saxiixa Oday dhaqmeedyo iyo Lifaaq la soo saaro, si ay u haystaan kuraas aan dadka deegaan doorashada metelaad kahaysan.

About The Author