Xasan Sheekh oo lagu qasbay in Museveni dhexdhexaadiyo Soomaalida
23 Nov 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo wadahadal ku yeeshay Kampala ee dalka Uganda ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaalida.
Waxaa la xaqiijiyey in Musevani uu dhexdhexaadinayo mucaaradka iyo maamulka Xasan Sheekh una soo dirayo Wasiirkiisa Arrimaha-dibedda, sida ay tilmaameen ilo-wareedyada oo intaasi ku daray in madaxweyne Museveni uu sheegey in uu xataa isagu imanayo dalka haddii ay lagama-maarmaan noqoto.
Sida ay sheegeen ilo ka tirsan DFS, waxa dowladdu ka gows-adaygtay wada-hadal lagu qabto dalka dibeddiisa, iyada oo laysku raacay in lagu wada-hadlo gudaha dalka.
Mucaaradka ayaa doonaya in DFS ka laabato hanaankeeda doorasho, lana gaadho heshiis doorasho ok hor leh, tan oo meesha ka saaraysa sannado ay DFS riixaysay doorashooyin toos ah oo isku-sidkan taasi oo ay ka qabatay Dowlad-goboleedyada Koonfurta dalka.
Ma cadda inta ay qaadan karto qabashada doorasho heshiis lagu yahay, waxa lagu wadaa in ugu danbeyn ka hor sannadka cusub la gaari heshiis doorasho, iyadoo ay khasbayso cadaadisyada dibeed, amni & siyaasadeed.