Warsaxaafadeedka kulankii Musaveni & Xasan Sheekh: waa Muhiim in Dowlada Federaalka, dowlad goboleedyada iyo dhinacyada ay quseyso siyaasada gudaha Soomaliya ka heshiiyaan xaalada dalka…..
23 Nov 2026 (Puntland.com) Villa Soomaliya ayaa Baahisay Warsaxaafadeedka kulankii Maanta dhexmaray Musaveni iyo Xasan Sheekh iyadoo la xusay in ay Muhiim tahay in Dowlada Federaalka, dowlad goboleedyada iyo dhinacyada ay quseyso siyaasada gudaha Soomaliya ka heshiiyaan xaalada dalka taas oo muhiim u ah xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee dalka oo dhan.
“Labada Madaxweyne waxay adkeeyeen baahida loo qabo in Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ay xoojiyaan xiriirkooda, iyagoo adeegsanaya dib-u-heshiisiin, maamul-wanaag iyo dhismaha nabadda”
Sidoo kale waxaa ku cad inuu dalka imaan doono madfaxweyne Musaveni uuna dhexdhexaadiye ka noqon doono madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u diiday inuu wax maqlo laakiin iminka la qasbay iyo mucaadkiisa.


