Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Billad-sharaf iyo abaal-marinno guddoonsiiyey Iskuulka Sare ee Bursaalax oo galay kaalinta 2aad ee Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sannadka 2025-2026
23 Nov 2026 (Puntland.com) Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa Billad-sharaf iyo abaal-marinno guddoonsiiyey Iskuullada galay kaalimaha hore ee Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sannadka 2025-2026, kuwaas oo ku soo baxay nidmaadka waxqabadka maaddooyinka ee muujinaya tayada macallimiinta.
Iskuullada la maamuusay ayaa kala ah:
1- Kaalinta 1aad, Dugsiga Sare Nugaal, gobolka Nugaal
2- Kaalinta 2aad, Dugsiga Sare Bursalah, gobolka Mudug
3- Kaalinta 3aad, Dugsiga Sare Sheikh Osman, gobolka Karkaar
4- Kaalinta 4aad, Dugsiga Sare, Omar Samatar, gobolka Mudug
5- Kaalinta 5aad Dugsiga Sare Rays Modern gobolka Karkaar
6- Kaalinta 6aad, Dugsiga Sare Hooyo Xabiibo. gobolka Mudug
7- Kaalinta 7aad, Dugsiga Sare Bari, gobolka Bari
8- Kaalinta 8aad, Dugsiga Sare, Dangoroyo gobolka Nugaal
9- Kaalinta 9aad, Dugsiga Sare Buraan, gobolka Haylaan
10- Kaalinta 10aad, Dugsiga Sare Qaarar Soor, gobolka Karkaar
Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay Hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan bahda Dugsiga Sare ee Bursaalax, gaar ahaan maamulka iyo macallimiinta dugsiga, guusha qiimaha weyn leh ee uu dugsigu ka gaaray natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland sannad-dugsiyeedka 2025–2026, kuna hantay kaalinta 2aad ee dugsiyada Puntland.
Guushan iskama imaan ee waxaad ku gaarteen waa dadaal joogto ah, dulqaad, daacadnimo, isku duubni iyo wada-shaqayn miro-dhal ah oo ay muujiyeen maamulka, macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda dugsigu.
Hambalyo maamulka!
Hambalyo macallimiinta!
Hambalyo ardayda!
Hambalyo dhammaan bahda Bursalah Secondary School!